25.4 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

Xog: Sababta rasmiga ah ee Ismaaciil Cumar looga saaray tartanka qur’aanka Dubai

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Dubai (Caasimada Online) – Caasimada Online, ayaa u kuurgashay sababaha rasmiga ah ee ka dambeeya in Ismaaciil Cumar Madaar laga soo saaro Tartankii Qur’aanka ee magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

Caasimada Online ayaa ogaatay in Ismaaciil Madaar, oo Somalia u Matalay Tartanka laga soo saarey Imaaraadka, kadib markii uu Baraha Bulshada “Social Media”, la wadaagay asxaabtiisa Qoraallo ay ku taageerayeen Qadar.

UAE ayaa soo saartey dhawaan ammaro cusub, oo kamid ah in cid kasta oo taageero iyo midnimo ugu muujisa Baraha Bulshada dalka Qadar ku mutaysan doono 15 sano oo xabi ah, iyo ganaax lacageed.

Arinta Ismaaciil ayaa noqotay mid hadal-heyn badan, oo qabsatay Canaawiinta Warbaahinta qaar, oo u micneeyay Kiiskiisa mid la xiriira go’aankii dowladda Somalia ka qaadatey Khilaafka Khaliijka ka taagan.

Isagoo kula hadlayay Wariyaasha magaalada Hargeysa, ayuu sheegay Ismaaciil Madaar in amarka looga soo saarey Imaaraadka uu ka dambeeyay Wafdigii ka socday Qadar ee tagey Muqdishu todbaadkan.

Dhanka kale, Hay’adda agaasintay Tartanka Qur’aan Akhriska ee Imaaraadka, ayaa cadaysay in sabab diblomaasiyadeed aan Ismaaciil looga soo saarin dalkaasi, balse ay tahay mid shaqsiyadeed.

Haddii kiiska uu yahay mid Imaaraadka xiriir ugu jarayso Somalia ay jiraan siyaabo kale oo ay ku muujin karaan arintaasi, sida in dhamaan Soomaalida ku nool inay ku amarto in dalkeeda isaga baxaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News