28.6 C
Mogadishu
Wednesday, April 22, 2026

Xog: Sababta Taabit uu cadaadiska u saaray ganacsatada Beerta Nabadda oo la ogaaday

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed oo Axadii ku dhawaaqay in shacabka u dalxiis iyo damaashaad taga Beerta Nabadda laga joojiyo lacagaha laga qaado ayaa la ogaaday sababta iyo ujeedadii uu ka lahaa go’aankaasi.

Qoraal kusoo baxay Caasimada Online ayaan ku sheegnay in Guddoomiye Taabit uu ugu baaqay ganacsatada maalgashiga ku sameysay Beerta Nabadda in dadka shacabka ka joojiyaan lacagaha ay ku galaan Beerta, maadaama goobtaasi tahay goob nabadeed oo bulshada ay usoo dalxiis tagaan.

Hase ahaatee Caasimada Online ayaa dabagal ay sameysay ku ogaaday in ujeedada Taabit ay aheyd in uu ganacsatada maalgashiga ku sameysay ee dakhliga badan kasoo galo si cadaadis dhaqaale doon saaro, arrintaasi oo hareer marsan nidaamka dowladeed iyo mas’uuliyada loo igmaday.

Warar hoose oo Caasimada Online ay heshay ayaa sheegaya in Taabit uu ganacsatada ka doonayo in ay af-gartaan,  hamigiisuna uu yahay in share uu ku yeesho lacagaha badan ee bishii kasoo xarooda Beerta Nabadda.

Qaar ka mid ah ganacsatada oo la hadlay Caasimada Online, balse codsaday inaan la magacaabin ayaa sheegay in ay dareemi karaan hamiga, balse aysan marnaba bixin doonin lacag aan xaq ahayn, maadaama dowladdii hore ay heshiis la galeen, oo ay haystaan warqado, lacag badanna ay horey uga baxday.

Beerta Nabadda ayaa ah goob aad u bilicsan oo ganacsato Soomaaliyeed ay maalgashi ku sameeyeen, waxayna ganacsatadaasi dowladdii hore heshiis kula gashay in ay maalgashi ku sameynayaan xarunta Beerta Nabadda, sidaasi ku noqotay xarun ganacsi oo gaar ah.

Beerta Nabadda ayaa waxay ka mid tahay xarumaha dowladeed ee danta guud, laakiin waxay ka mid noqotay xarumo si sharci daro ah ganacsato iyo shirkaddo shisheeye loogu wareejiyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News