Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM ay jidgooyo cusub dhigteen iridka Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Isbaaradani oo ah mid aan muuqan ayaa waxa ay ciidamada AMISOM u taala iridka Garoonka ee xiga dhanka iskuul Bulusiyo, halkaa oo lacago baad ah looga qaato gaadiidka waaweyn ee gala Garoonka.
Ciidamada ayaa la sheegay inay qaatan mid 10$, iyadoo gaarigii diidaa uusan u suuragaleynin inuu galo Garoonka.
Gaadiidkani ayaa lacagta baada looga qaada si looga qafiifiyo baaritaanada, waxa ayna tani sababi kartaa in Garoonka uu galo xaalad amni darro.
Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay in lacagtaasi uu u uruuriyo hal Askari kaa oo laga soo dhex xulay ciidamada kele.
Garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa ku qulqula gaadiid dhowr ah oo qaada xamuul gargaar ah oo diyaarado looga qaado Garoonka si loo gaarsiiyo Gobolada dalka.
Ciidamada AMISOM ayaa dhaqaale xoogan ku heysta ilaalinta Garoonka, waxaana xusid mudan in dhaqaale noocaasi ah laga qaado dadka musaafuriinta ah ee isticmaala albaabka shacabka ee ku dhow Hoteel Jazeera.
Dhinaca kale, DFS gaar ahaan Hay’adaha amaanka ayaan weli ku baraarugin khatarta ay ciidamada AMISOM ku hayaan Garoonka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com












