Xog: SACIID DENI iyo ku xigeenkiisa oo heshiis gaaray

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Garoowe ayaa sheegaya in xal waara laga gaaray khilaafkii siyaasadeed ee u dhexeeyey Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Deni iyo Axmed Karaash oo isku qabtay arrimaha maamulka.

Wada-hadallo ay garwadeen ka ahaayeen xildhibaano ka mid ah baarlamaanka Puntland iyo Isimada maamulkaasi,kadib ayaa lagu guuleystay in lasoo afjaro khilaafka labada nin oo gaaray meeshii ugu sarreysay, sida ay  xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Deni iyio Karaash ayaa khilaafkooda wuxuu ka bilowday arrimaha Dastuurka, kadib markii Madaxweyne ku xigeenka uu shaaciyey inuu la wareegay awooda maamulka, ka gadaal markii uu Deni isku soo sharraxay xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo looga guuleystay.

Sidoo kale waxaa arrinta uga sii daray, kadib markii uu Karaash qaaday tallaabooyin isugu jiray xil ka qaadis iyo magacaabis, taas oo isna ka hor yimid Madaxweyne Saciid Deni.

Dhanka kale wararka ayaa sheegaya in haatan is faham laga gaaray xiisadda labada dhinac, waxaana la filayaa in Axmed Karaash uu maanta ka qayb-galo soo dhowaynta Siciid Deni oo tegaya Garoowe kadib safarkiisii Muqdisho oo uu uga sii gudbay caasimada Nairobi.

Sida ay ogaatay Caasimada Online labada nin ayaa sidoo kale si wadajir ah saaxafadda ula hadli doono marka ay isugu tegaan Garoowe, si ay u shaaciyaan in la dhameeyey khilaafkii dhexdooda ahaa, loona sii amba qaado howlaha maamulka iyo hore u socodka Puntland.

Heshiiskan ayaa waxaa durbo soo dhoweeyey qaybaha kala duwan ee bulshada degaanada Puntland oo ugu baaqay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa inay wada shaqeeyaan.

Si kastaba, Puntland ayaa haatan wajaheyso xaalado is biirsaday oo ka dhashay is qab-qabisiga siyaasadeed ee hogaanka maamulka iyo kuwa kale oo la xiriira bani’aadanimada.