Xog: Saciid Deni oo qaaday tallaabo uu Jeneraal Abshir London ugu wareejiyey…

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shalay booqday taliska 54-aad ee ciidamada difaaca Puntland, halkaasi oo uu kulan kula yeeshay taliska ciidamada difaaca.

Kulankaan ayaa waxa madaxweynaha ku wehlinayay guddi la-taliyaal ah oo u qaabilsan arrimaha difaaca iyo dhismaha ciidamada, kuwaasi oo uu dhawaan soo magacowday madaxweyne Deni.

Xogaha laga helayo kulankaan ayaa sheegaya in dhamaan howlihii ciidamada iyo maamulka miisaaniyadoodii lagu wareejiyay taliyaha cusub ee Daraawiishta Jeneraal Abshir London.

Waxaa xusid mudan in markii hore howlaha ciidamada iyo tirakoobkooda ay gacanta ku hayeen guddigii dib-u-habaynta ciidamada Puntland, oo uu hogaamiye u ahaa Wasiirka Maaliyadda Xasan Shire Abgaal.

Sidoo kale waxa kulankaan lagu gaaray in hadda kadib wixii la xiriira dhismaha ciidamada ay ka wada-shaqeeyaan taliyaha cusub ee Daraawiishta iyo la-taliyaasha madaxweynaha ee dhinaca difaaca.

La-taliyeyasha madaxweynaha ee arrimaha difaaca iyo dhismaha ciidamada ayaa kala ah; S/gaas. Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan), S/gaas. Yasiin Cumar Dheere, S/gaas. Cabdishugri Cabdulaahi Xuseen, S/guuto.Siciid Cabdi Faarax (Tuutawayne) iyo S/guuto. Dayr Xaaji Cabdi.