Xog: Sambaloolshe oo lagu wado inuu ku biiro xafiiska ra’isul wasaare Xasan Kheyr

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka helnay Xubno ka tirsan Xafiiska Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia ayaa sheegaya inuu socdo qorsho lagu doonaayo in Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Somalia  C/laahi Maxamed Cali ‘’Sanbaloolshe’’ loogu biirin lahaa Xafiiska.

Xogta aan heleyno ayaa sheegeysa in Sanbaloolshe si KMG ah uu uga sii howlgali doono Xafiiska Kheyre iyadoo uu qorshuhu yahay in loo magacaabo lataliye.

Qorshahaan ayaa waxaa wada mas’uuliyiin ka tirsan Villa Somalia oo Siyaasad ahaan ku dhow dhow Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha dalka, waxaana looga gol leeyahay meelen.

Sanbaloolshe, ayaa Siyaasad ahaan ku dhow dhow Madaxweynaha Somalia marka laga talo eedeymihii ahaa in dowladu dhaqaale ku bixisay sida uusan ku noqon laheyn Xildhibaan ka tirsan BFS.

Sidoo kale, damaca Sanbaloolshe, ayaa ah inuu noqdo mid kamid ah Safiirada Somalia u fadhiya wadamadan reer Galbeedka, waxaana wakhti qaadan doonta in loo faarujiyo Safaarada uu naawilaayo.

Geesta kale, Madaxweynaha Somalia ayaa horay u sheegay in dowladiisa aysan dayici doonin mas’uul xilkiisa waayay, waxa uuna goorsii horeysay sheegay inay meeleyn doonaan shaqsigii xilkiisa waaya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com