Danjiraha Imaaraadka ee Somalia oo culeys siyaasadeed lagu saaray hal arrin

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Federaalka Somalia Axmed Ciise Cawad, ayaa rajo ka muujiyay natiijada kasoo baxday kulankii uu la qaatay Danjiraha Imaaraadka Carabta u fadhiya Somalia Maxamed Axmed Othman Al Hammadi.

Wasiir Cawad, waxa uu sheegay in Danjiraha uu u sheegay waxa jira, isla markaana ay si fog uga wada hadleen Xaalada ay ku jirto Somalia iyo in loo baahan yahay in laga caawiyo wixii awood ah.

Cawad, waxa uu tilmaamay in Danjiraha uu u sheegay in Somalia aysan xiligaan ka bixikarin faragalin iyo in la garabsiiyo dhinacyada kasoo horjeeda dowlada, waana uu aqbalay.

Wasiirka waxa uu ugu baaqay al-Othmani inuu bari ka noqdo waxyaabaha keeni kara tuhun Siyaasadeedka, waxaana aad usoo dhaweeyay Danjiraha.

Cawad waxa uu rajo ka muujiyay in dowlada Imaaraadka ay dhexdhexaad ka noqon doonto Siyaasada Somalia, iyadoo la fiirinaayo duruufaha amni oo ay dhex maquureyso Somalia.

Sidoo kale, waxa ay isla qaateen xoojinta xiriirka labada dal, si labada dal ay u sameeyaan horusocod dan u ah shucuubta labada dal iyo in Imaaraadka ay ka go’an tahay kordhinta taageerada ay siiyaan Soomaaliya.

Dowlada Imaaraadka ayaa kaalmaha koowaad kaga jirta dowladaha dhibaatada ku haya Somalia, waxaana xusid mudan in dhawaan ay dhaqaale ku bixiyeen weerarkii lagu qaaday Hooyga Senater Cabdiqeybdiid.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com