Dowlada oo si cad isku ilowsiineysa xasuuqa ay Kenya ka wado gobolka Gedo

Beledxaawo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ay dhibaatooyin badan kawadaan deegaano dhowr ah oo hoostaga Gobolka islamarkaana xiga dhanka Kenya.

Ciidamadan ayaa la sheegayaa in dhibaatooyinka ugu badan ay kawadaan deegaano dhowr ah oo hoostaga degmada Ceel waaq ee gobolka Gedo.

Maxamuud Nuur Xaaji oo kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ay kala kulmaan dhibaatooyin badan, waxa uuna tilmaamay inay wadaan dil iyo qafaal.

Waxa uu sheegay inay guryaha kala baxeen ku dhawaad 12 dhalinyaro isla markaana ku dileen deegaano yaryar oo duleedka ka ah Ceelwaaq, waxa uuna cadeeyay inay dhacdo xiliyada qaar inay gaadiidkooda dulmariyaan dadka oo nool nool.

‘’Waxaan marqaati ka ahay in gaadiidkooda ay nolosha ku dardarsiiyeen Seddex wiil oo garbaduub ay u xireen, xasuuqa noocaas ah waxa uu shaki galiyay dadnimadeena waa in dowlada Somalia ay noo cadeysaa mowqifkeeda’’

‘’Dowladu si kutalo gal ah ayey afka uga qabsataa xasuuqa foosha xun ee nalagu hayo, waxaan ku baaqayaa in nagu biiriso Kenya ama ay jawaab iyo fal celinba ka bixiso dhibta aan dul naal’’

Maxamuud Nuur Xaaji, waxa uu sidoo kale sheegay in dowlada Somalia ay is ilowsiineyso in Gobolka Gedo iyo shacabka ku nool ay hoostagaan, waxa uuna taa sabab uga dhigay in mar waliba ay afka ka qabsadaan dhibaatooyinka lagu hayo.

Sidoo kale, waxa uu Maxamuud Nuur Xaaji cod dheer ku sheegay in maamulka Degmada Ceelwaaq qudhiisa uu u nugulyahay Kenya, maadaama aanu jirin awood muuqata iyo garab ay ka helayaan dowlada Somalia.

Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa xili dowlada Somalia aysan waxba u arag dhibaatooyinka ay ciidamada shisheeye ku hayaan shacabka ku nool Xuduudaha dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com