Abaal-marinta Xil-gudasho Qaran oo caawa la bixin doono

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa caawa magaalada Muqdisho lagu qaban doonaa munaasabad lagu soo bandhigi doono abaal-marin loogu talo galay in lagu sharfo Hal-doorka Shacabka ee waxqabad la taaban karo u sameeyay bulshada ay u adeegaan.

Waxaa munaasabaddan lagu soo bandhigi doonaa daraasad soo socotay illaa bishii Oktoobar ee sanadkii 2017-kii, oo laga soo sameeyay magaalooyin kala duwan oo ka tirsan Soomaaliya, taas oo dadweynaha lagu weydiinayay qiimeyntooda dadka ay u arkaan inay guteen waajibaadkii ka saarnaa mas’uuliyaddii ay hayeen.

Abaal-marintan oo magaceeda la yiraahdo “Xil-gudasho Qaran” waxay si gaar ah u qiimeysay waxqabadka sanadkii la soo dhaafay ee dhinacyada soo socda:

  • Horumarinta Adeegga bulshada
  • Maamul-Wanaagga
  • Dib-u-heshiisiinta iyo Isdhexgelka Bulshada
  • Dhiirrigelinta wax-soo-saarka Gudaha
  • Shaqo-abuurka Dhallinyaradda iyo Horumarinta Cayaaraha
  • Xoojinta Kaalinta Haweenka
  • Wacyi-gelinta iyo Abaabulka Bulshada
  • Samo-falka
  • U-qareemidda Xuquuqda Dadweynaha

Abaal-marintan xilgudasho Qaran oo ay bixinayso Hay’adda Vision Leadership Academy oo ah Machad horumariya arrimaha hoggaaminta, ayaa oo noqon doonta mid sanadle ah oo lagu eegayo dhinacyo kala duwan. Ujeeddada abaalm-marintan ayaa ah in la beddelo dhaqanka ah in dadka waxtarka leh la ammaano marka ay geeriyoodaan oo kaliya, waxaana abaal-marintan ay dadweynaha bareysaa in la isku abaal-mariyo waxqabadka iyo hoggaaminta wanaagsan.

Dadweynaha Magaalada ayaa si weyn u hadal haya cidda la guddoonsiin doono sanadkan Abaalmarintan oo nooceedu uu ku cusub yahay Dalka.