XOG: Sambaloolshe oo guddoomiyaha gobolka BANAADIR loo magacaabayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Idaacadda Dalsan ee magaalada Muqdisho ayaa maanta oo Arbaca baahisay warar ay heshay oo ku saabsan in taliyihii hore ee hey’adda nabad sugida iyo hey’adda sirdoonka, Cabdullaahi Maxamed Cali Sambaloolshe loo magacaabi rabo guddoomiyaha gobalka Banaadir.

Idaacadda ayaa sheegtay in go’aankan  lagu gaaray kulan dhexmaray madaxweynaha iyo xisbigiisa PDP, waxaana kulankaas lagu sheegay in loo baahan yaha in la qanciyo Sambloolshe.

DALSAN oo soo xigatay ilo wareedyo ay ku kalsoon tahay ayaa u sheegay in guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqaMuqdisho, Jeneraal Xasan Xuseen Muungaab in xilka laga qaado maadama uu ay isku dhacsan yihiin madaxweynaha.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in xilalka guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho in la kala qaadacayo, oo duqa Muqdisho waxaa loo magacaabi doonaa nin magaciisa lagu soo koobay Jimcaale oo ay qaraabo yihiin xildhibaan Cumar Finish.

Madaxweyne Xasan Sheekh ma ahan markii ugu horeysay oo uu isku dayo in uu kala qaado xilka guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho, balse arrintaas waa socon weysay.

Si kastaba, dhawaan mar uu hadlay, agaasimihii hore ee hey’adda nabad sugida, Cabdullaahi Sambaloolshe waxa uu sheegay in uu diyaar u yahay in uu qabto xil kasta oo loo dhiibo.

Ilaa hadda warkan cid xaqiijisay ma jirto, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca dowladda ama guddoomiyaha gobalka Banaadir ee Muungaab.

Sidoo kale waxaa xusid mudan in guddoomiyaha gobalka Banaadir iyo madaxweynaha aaney isku xisbi ahayn.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com