Maamulka Axmed Madoobe oo shirka SADE ee GARBAHAAREY u hanjabay

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa ka digay xiisad colaadeed oo ka dhalata shir uu sheegay inay qabanqaabadiisa ka socoto degmada Garbahaarrey ee gobolka Gedo.

Hoggaamiye ku xigeenka koowaad ee maamulka, Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag oo shir jaraa’id ku qabtay Kismaayo ayaa sheegay in gobolka Gedo uu ka socdo qabanqaabada shir la doonayo in lagu carqaladeeyo shirweynaha dib u heshisiisiinta ee ka socda magaalada Kismaayo.

Fartaag ayaa ku tilmaamay shirka Garbahaarrey mid sharci darro ah oo ay wadaan dad uu ku tilmaamay inay leeyihiin ‘dano gaar ah’.

Wuxuu sheegay in shirka Kismaayo uu yahay shir ay taageertay dowladda federaalka iyo beesha caalamka. Shirka Kismaayo ayuu sheegay inuu yahay mid u furan cid kasta oo ka soo jeedda deegaannada Jubbaland oo qabta cabashooyin ka dhan ah maamulka Jubba.

Wuxuu xusay inaan gobollada Jubbooyinka looga baahnayn colaad hor leh, ee loo baahan yahay in loo istaago sidii loo samatabixin lahaa dadka ay abaartu saameysay.

Hadalka Fartaag ayaa ku soo aadaya iyadoo maalinta Jimcaha magaalada Garbahaareey ee gobalka Gedo uu ka furmaayo shir looga hadlaayo aayaha gobalkaas.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com