Rabshado ka dhacay dekadda XAMAR iyo arrin xun ay sameeyeen DFS iyo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo Dekadda Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in Ciidamada  Boolis-ka Dowlada Federaalka Somalia iyo Shaqaalaha Sharikadda Al-bairak oo is baheysanaayo ay maanta rasaas ooda uga qaadeen Muruq Maalka Dekadda.

Wararku waxa ay intaasi ku darayaan in rasaastaasi ay ku dhaawacmeen ilaa Seddax ruux oo ka mid ahaa dadkaasi Xamaalatada.

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in goobta lagu arkaayay Laba ruux oo dhaawac ahaa kuwaasi oo ay haleeshay rasaasta ay furayeen Booliska iyo shaqaalaha shirkada Turkiga, waxaana la tilmaamayaa in mid kamid ah dhalinyaradii dhaawaca ahaa ay xirteen Ciidamada, gaar ahaan kuwa Boolis-ka ee rasaasta ridaayay.

Sidoo kale, rasaasta Muwaadiniinta waxyeeleysay, ayaa waxaa ridaayay mid ka mid ahaa Mas’uuliyiinta Turkiga ee ka Tirsan shirkada Al-bairak oo ay ishu qabatay isagoo Bastoolad ridaayay.

Rasaasta iyo dhaawaca ayaa ka danbeysay kadib markii halkaasi uu Rabshado kooban uu ku dhex maray Muruqmaalka iyo Ciidamada Booliska, waxaana halkaasi ka dhacay rabshado muddo kooban socday.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii Sharikadda Al-bairak ee Turkiga lagu wareejiyay Maamulka Dekadda Muqdisho, waxaana hadda socda Mooshin ka dhan ah Shirkadaasi oo ay wadaan Golaha shacabka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com