Xog: Villa Somalia oo mashquulsan & kullamo xasaasi ah oo uu wado C/Weli

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo ka tirsan Villa Somalia, ayaa goor dhow inoo xaqiijiyay in Villa Somalia uu xiligaani ka socdo kullamo aan caadi aheyn kaasi oo uu wado Ra’isul wasaaraha dalka C/Weli sheikh Axmed oo maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Ilo-wareedka ayaa xaqiijinaaya in Ra’isul wasaaraha uu kullamo la qaadanaayo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka DFS kuwaasi oo la tilmaamay inay yihiin kuwa isaga taageersan, xilli khilaafka isaga iyo madaxweynaha uu meel sare marayo.

Kullanka ayaa la sheegayaa inuu salka ku haayo ka hortagida mooshino ka dhan ah C/weli Sheekh oo maalmahaani ka socday Villa Somalia iyo xil ka qaadis la sheegay in lagu sameynaayo Taliyaha Ciidamada Boliska.

Sidoo kale, kullanka ayaa waxa uu u dhaxeeya inkabadan 30 xildhibaan iyo Ra’isul wasaaraha, waxaana la filayaa inay go’aan uga gaaraan Mooshinada kusoo fool-leh C/weli Sheekh Axmed oo iminkadaanba looga yeeray Baarlamaanka.

Lama Oga waxa kasoo bixi doono kullanka Mas’uuliyiintaasi ee ka socda Villa Somalia, balse waxaa la rumeysan yahay inuusan ka soo bixi doonin natiijo sahlan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com