C/Weli oo Amisom u gudbiyey dacwo la xiriirta xaalka cakiran ee Nabadsugida

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Soomaaliya C/Weli Sheekh Axmed, ayaa saraakiisha Amisom ka codsaday inay taliyihii hore ee Nabad-sugidda qaranka ku cadaadiyaan inuu kursiga baneeyo.

Qoraal la sheegay in Cabdi Weli uu Amisom u diray ayuu ku sheegay in Cabdullaahi Sambaloolshe uu ka madax adeegay xil ka qaadistii lagu sameeyey, ayna arrimihii ammaanka dalka u xayiran yihiin, xilli taliyaha KMG ah aanu xafiiska tagi karin.

Xil ka qaadista Sambaloolshe ayaa dhalisay muran ka dhex oogmay madaxwenaha iyo ra’iisul wasaaraha, ayada oo la rumeysan yahay in Xasan Sheekh uu u sheegay inuu xilkiisa sii hayo.

Amisom, ayaa hadda wajaheysa xaalad adag, ayada oo aanay garaneyn meel ay wax ka bilowdo, maadaama uu madaxweynaha la safan yahay Sambaloolshe.

Dadaallo ayaa iminka socda oo la isugu soo dhoweynayo labada mas’uul, si looga gudbo wax kasta oo xaaladda sii murjin kara.

Madaxweyne Xasan oo habeen hore hadlay, ayaa sheegaya in Sambaloolshe xilka laga qaadi karo, balse loo baahan yahay in sharciga loo maro.

Diidmada wareejinta xilka, ayaa sidoo kale horey u dhacday, kadib markii taliyihii hore ee booliiska General Saacid uu diiday inuu xilka ku wareejiyo general Maxamed, isaga oo ku dooday in Cabdi Weli uusan xaq u lahayn inuu xilka ka qaado.

Si kastaba kadib dadaal dheer, ayuu Saacid xilka wareejiyey, waxaana hadda socda dadaalo lagu qancinayo Sambaloolshe, si uu xilka u wareejiyo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com