Xog: Saraakiisha Turkiga ka jooga Somalia oo diiday arrin yaab leh oo ay ku kacday DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno Saldhiga cusub ay dowlada Turkiga ka furtay duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaa uu ka dhacay musuq maasuq baahsan kadib markii howlaha diiwaan galinta ay faro ku yeesheen Saraakiil ka tirsan Wasaarada Gaashandhiga Somalia.

Wararku waxa ay sheegayaan in musuqa ugu badan ay geysteen Saraakiisha ka tirsan Wasaarada Gaashandhiga, balse waxaa markii danbe diiday musuqaasi Saraakiisha Turkiga u qaabilsan howlaha ka socda Saldhiga.

Saraakiisha Saldhiga ayaa diiday liiska boqolaal dhalinyaro oo la doonaayay in lagu tababaro qaab hoos iska taabat ah, kuwaa oo la xaqiijiyay in gabi ahaantooda laga saaray liiska kadib markii la helay macluumaad muujinaayay in dhammaan dhalinyarada laga saaray liiska ay ahaayen kuwo u badnaa laba beel.

Saraakiisha Turkida ee laalay liiska musuqa lagu xulay ayaa Saraakiisha Wasaarada Gaashandhiga Somalia ku wargaliyay inay ka maarmaan dhalinyarada liiskooda loosoo gudbiyay.

Waxa ay sheegen inay iyaga la imaan doonaan dhalinyaro isla markaana kasoo dhex xulan doonaan kuwa la diiday ee musuqa lagu xulay.

Heerka Musuqa ka jira Somalia ayaa waxaa la fajacay dowladaha xiriirka la leh Somalia Somalia, gaar ahaan kuwa ku howlan bixinta dhaqaalaha iyo tababarada.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada Somalia ayaan weli ku guuleysan la dagaalanka musuqa ka dhex jira Hay’adaha amaanka dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com