Xog: Shaqaale iyo ciidamo badan oo aan mushahar qaadan xilli DF ay lacag badan u qaaday Galmudug

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in inta badan shaqaalaha rayidka iyo ciidamada dowladda Soomaaliya aysan bishan qaadan mushaharkooda, oo ay heli jireen xilli hore.

Mushaharka ayaa inta badan la bixin jiray 28-ka bisha dhammaadka ah ee ka horeysay bisha ay tahay in kowdeeda la qaato mushaharka, hase yeeshee bishan December oo mareysa 7 ayaan weli qaar badan oo shaqaalaha ka mid ah iyo ciidamada la siin mushaharkooda.

Shaqalaha In ka badan 10 wasaaradood iyo inta ugu badan ciidamada Soomaaliya ayaa wali helin mushaarkooda, waxaana Caasimada Online ay la hadashay tobaneeyo shaqaale oo xaqiijiyey inay la’yihiin mushaharkooda.

Ma cadda sababta aan mushaharka loo bixin, balse sarkaal sare oo ka tirsan Bankiga Dhexe ayaa Caasimada Online u sheegay in lacag badan bankiga looga bixiyey wasiirka arrimaha gudaha loona qaaday Dhuusomareeb, oo dowladda ay ka waddo dhismaha maamulka Galmudug.

Ma cadda haddii lacagta Bankiga Dhexe laga bixiyey ay tahay tii ay ahayd in lagu bixiyo mushaharka shaqaalaha iyo ciidamada.

Waxaa jira shaqaalaha dhowr wasaarad oo aan badneyn iyo kuwa Villa Somalia oo qaatay mushaharkooda.

Xubno ka tirsan wasaaradda maaliyadda ayaa noo xaqiijiyay in bishaan ay suurtagal tahay in aysan dowladda bixin doonin mushaarka shaqaalaha dowladda iyo ciidamada xilli lacag badan la qorsheynayo in lagu bixiyo doorashada Galmudug.

“Bishaan ma jiro mushaar hadii la qaataana waxa uu gaarayaa 15-ka ilaa 20-ka bishaan” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda maaliyadda Soomaaliya oo codsaday inaan la magacaabin.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey lacag badan ugu bixisay doorashadii Koonfur Galbeed, waxaana warbixin ay soo saareen guddiga khubarada QM lagu sheegay in xildhibaankiiba la siiyey 30 kun oo dollar si ay u doortaan Cabdicasiis Lafta-gareen.