Xog: Wasaaraddii GOODAX oo noqotay mid aan shaqeyn (Isku dhex yaaca DF)

Muqdisho (Caasimada Online– Ilo Xog-Ogaal ka tirsan Dowlada Federaalka Somalia ayaa daboolka ka qaaday in isku dhex yaaca Nidaamka Dowlada Federaalka uu saameyn ku yeeshay Howlaha Xafiisyada qaar..

Wararka ayaa sheegaya in Wasiirka Arrimaha Gudaha C/llaahi Goodax Barre uusan heynin Maamulka Wasaaradiisa, waxaana la tilmaamayaa in Howsha loogu tallo Galay ay hayeen Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somalia Xassan Sheekh iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Muungaab.

Illo wareedka ayaa sheegaya in Ruuxa loo magacaabayo Gobol uusoo maro Madaxweynaha, isla markaana Amarkiisa lagu bixiyo Xilka Gobolkaasi, halka Guddoomiye Degmeedyada uu Magacaabo Mungaab isagoona soo marsiin Wasiirka Arrimaha Gudaha xilalkana u dhiibo.

Dhowr jeer ayaa waxa ay arrintaasi Khilaaf ka dhex dhalisay Madaxweynaha, Guddoomiyaha Gobolka iyo Wasiirka Arrimaha Guddaha, kadib markii Wasiir Goodax uu Xassan Sheekh uga dacwooday inaan lasoo marsiin Gudoomiyayaasha Cusub, inkastoo warar hoose ay sheegayaan in Madaxweynaha uu ballan qaaday inuu wax kabadali doono.

Wasiir goodax ayaa waxa uu Madaxweyne Xassan u gudbiyay dacwo ah in xilka uu haayo uu yahay mid uusan heynin shaqadiisa, waxa uuna tilmaamay in Guddoomiye Degmayayaasha aan lasoo marsiin, halka qaarna aysan ku dhicin Saxiixiisa, kana war helyay iyadoo la magacaabay.

Arrintaani ayaa waxa ay qeyb ka tahay faragalinada ka dhex taagan Xarumaha Dowlada Federaalka Somalia, waxa uuna noqonayaa mid inta badan kusoo laa-laabto Xarumaha Dowlada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com