25 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

XOG: Shariif Xasan oo Baydhaba kusii jeeda & qorshe uu wato oo billabanaya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Illo Xog-Ogaal ah, oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online, ayaa sheegaya in xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi xildhibaanno ah ay maanta oo Talaado ah, ay u ambabixi doonaan magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay.

Shariif Xasan oo dhawaan ka soo laabtay dibedda, ayaa maalmahan olole iyo barnaamijyo gaar u ah ka waday caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Wuxuuna doonayaa in uu ku dhawaaqo maamul gobaleed lagu magacaabo Koonfur galbeed, kaasoo ay ku mideesan yihiin ilaa lix gobal.

Qorshahan ma’ahan mid hadda soo billowday, waxaana la waday tan iyo markii dowladda hadda dhisan dhidibada loo taagay.

Si kastaba, qorshahan waxaa la wadaa Shariif Xasan Sheekh Aadan xildhibaanno iyo qaar ka mid ah madaxda dowladda sida Afhayeenka baarlamaanka Prof Maxamed Cismaan Jawaari.

Waxaa dhawaan qaybo ka mid ah gobalka Shabeellaha Hoose gaaray xildhibaanno halkaas ka soo jeeda kuwaasoo dowladda ku eedeeyay in ay ka gaabiyeen wax u qabashada dadka ku dhaqan halkaas.

Sidoo kale, waxaa hadda ku sugan gobalka Gedo xildhibaanno kale kuwaasoo dadka deeganka ka dhaadhicinaya in ay u gurbaan tumaan qorshaha Shariiif Xasan Shee Aadan oo ah siyaasi wajiyo badan.

Shaley magaalada Baydhabo waxaa ka dhacay dibad-bax looga soo horjeedo shirkii Brussels ku soo dhammaaday, sidoo kale dhawaan waxaa magaalada Baydhabo loo diidday wafdi ka socda dowladda Soomaaliya, arrimahaas oo dhan waxaa la lee yahay waxaa ka dambeeya Shariif Xasan.

Waddamada gobalka sida Ethiopia aad ayey ula socotaa qorshaha Shafiir Xasan, sidoo kale waxaa arrintaan la dhacsan maamulka Puntland ee uu madaxweynaha ka yahay Faroole.

Xarunta ADC-da ee Baydhabo waxaa ku qulqulaya odayaal iyo wax garad kuwaasoo la doonayo in ay taageeraan maamulka uu wato Shariif Xasan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News