Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa lagu eedeeyay inuu musuqa deeq loogu tallo galay kumanaan dad oo la tabaaleysan gaajo iyo haraad.
Xildhibaan Aadan Xabiib Xasan oo ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Koofur Galbeed, ayaa sheegay inay jiraan cadeymo muujinaaya in Hogaamiyaha uu musuqay dhaqaale iyo deeq kale oo loogu tallo galay dadka la liita nolol xumida ka jirta deegaanada Koonfur Galbeed.
Xildhibaanka waxa uu sheegay inay jiraan boqolaal qoys oo aan weli la gaarsiin deeqihii loogu tallo galay, waxa uuna carab dhabay in Hogaamiyaha maamulka uu gacan bidixeeyay deeqaha loogu tallo galay dadka liita.
Waxa uu intaa ku daray in deeqaha uu gacan bidixeeyay Shariif Xasan loogu tallo galay dadka ku nool deegaanada hoostaga Gobolka Bakool.
Sidoo kale Xildhibaankaan ayaa ku eedeeyay shaqsiyaad ka ag dhow Madaxweynaha Koofur Galbeed in ay lunsadeen Gargaarkii loogu tala galay Shacabka ku nool Gobolka Bakool.
Hogaamiyaha maamulka ayuu ugu baaqay inuu ka fiirsado waxyaabaha hoos u dhigi kara sumcadiisa, maadaama xiliga lagu jiro uu yahay mid aan mudneyn in leysdaba mariyo gargaarka.
Si kastaba Gobolka Bakool ayaa ka mid ah meelaha ugu daran ee si weyn ay u saameeyeen Abaaraha ku dhuftay Gobollada Dalka Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]