Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay, ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka K/galbeed ee Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan uu wado qorsho uu Siyaasad ahaan maamulkiisa ku hoosgeynayo Dowladda Ethiopia.
Warar hoose oo aan ka helnay ilo ku dhow dhow Madaxweynaha, ayaa xaqiijinaaya in Dowlada Ethiopia ay kuwada heshiiyeen in Siyaasad ahaan ay ka talo qaatan, iyagoo dhanka kale u balanqaaday inay siin doonaan Ciidamo dheeri ah oo gabi ahaanba la wareega Amaanka Magaalada Baydhabo iyo Deegaanada uu Maamulka ka arrimiyo.
Qorshahaasi ayaa waxaa la tilmaamayaa inuu kamid yahay in Ciidamada DF Somalia laga saaro Goobaha muhiimka ah oo ay uga sugan yihiin Magaalada Islamarkaana tirada ugu badan Ciidamadu ay noqon doonaan kuwo laga kala keenayo Ethiopia.
Arrintaani ayaa waxaan la socon DF Somalia, gaar ahaan Wasaarada Arrimaha gudaha oo aan iyadu ka warheyn waajibaadka ka saaran Ogaanshaha Gobolada dalka iyo xaaladooda.
Dhanka kale, Madaxweynihii hore ee Maamulkii burburay Lixda Gobol Madoobe Nuunow iyo garab mucaarad isaga taageersan ayaa iyana dhankooda kawada dhaqdhaqaaqyo looga soo horjeedo in Siyaasada Maamulka la hoosgeeyo Dowlada Ethiopia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com