Xog: Sheekh Shariif oo heshiis awood qeybsi dhex dhigay Xawaadle iyo Abgaal

Jowhar (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegaya in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle iyo dhamaan duubabka dhaqanka HirShabeelle ay go’aan ka gaareen dooddii ka taagneed cidda madaxweyne ka noqoneyso HirShabeelle.

Dad kala duwan oo aan la hadalnay ayaa noo xaqiijiyay beesha Xawaadle ku qanceen in caasimada HirShabeelle loo celiyo Hiiraan,  islamarkaana afartii sanaba mar qaataan Madaxweynaha HirShabeelle, waxaana sidoo kale taas ogolaaday Cali Guudlaawe iyo duubabka dhaqanka.

Madaxweyne ku-xigeenka HirShabeelle Cali Guudlaawe ayaa odayaasha dhaqanka iyo Madaxweyne Sheekh Shariif u sheegay, in markii ay baarlamaanka ka gudbaan doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, sidoo kalane la dhiso xukuumad heysata codka baarlamaanka, ay golaha wasiirada ay baarlamaanka horgeyn doonaan mooshin caasimadda looga dhigayo degmo ka tirsan gobalka Hiiraan.

Siyaasiin, Ugaaska Beesha Xawaadle, guud ahaan odayaasha dhaqanka ee HirShabeelle iyo Cali Guudlaawe ayaa heshiiskaan wada ogolaaday. Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay in lala wadaagay islamarkaana uu taageray go’aankaan.

Arrintaan ayaa meesha ka saareysa mugdigii iyo mad-madowgii ka jiray HirShabeelle ee dhinaca hogaanka ah, kadib dood Jowhar iyo Muqdisho ka taagneed bilooyinkii la soo dhaafay.

Si kastaba, ma cadda in baarlamanka ogolaan doonaan in dastuurka wax laga beddelo si caasimadda HirShabeelle looga raro Jowhar, waxaana suurta-gal ah in wax walba isbedelaan marka la doorto Guudlaawe.

Waxaa sidoo kale meesha ku jirta sida Guudlaawe ku aqbali doonin inuu ku shaqeeyo magaalo uu dareemayo in deegaan ahaan looga xooggan yahay.