24.7 C
Mogadishu
Friday, January 23, 2026

Xog: Sheikh Shariif iyo CC oo si wada jir ah ula kulmay Al-Cutmani

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online ) – Sida aan wararkeena hore kusoo sheegnay Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Cumar C/rashiid iyo Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ku kulmay magaalada Nairobi.

Labadan mas’uul oo horel ula kulmay dowladda Kenya ayaa lagu warramayaa in iminka ay si wada-jir ah ula kulmeen safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya Mohamed Al-Cutmani.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Kulanka diirada lagu saaraayay doorashada Somalia.

Mohamed Al-Cutmani, ayaa labada Musharax oo aan sanadahaani is arag si qoto dheer uga dhaadhiciyay rabitaankooda ku aadan Doorashada Somalia, ayada oo dowladda Kenya ay arrintan wax ka ogeyd, waxa uuna Al-Cutmani labada Musharax dhagtooda ku dhibciyay inaanu wadan shaqsi Seddexaad isla markaana looga baahan yahay inay la yimaadan hanaan is-baheysi.

Mohamed Al-Cutmani, waxa uu sidoo kale labada Musharax u sheegay in Dowlada Imaaraadka ay dhaqaale dheeri ah ku bixin doonto sida midkood uu ku noqon lahaa Madaxweynaha cusub ee Somalia.

Waxa uu sidoo kale ugu baaqay in midkii ku haray wareega koowaad uu taageero kan kale. Lama oga danta Imaaraadka ka leeyahay isbaheysiga ay u abuurayaan Shariif iyo Sharmaarke.

Kulanka ayaa imanaya xilli ay dowladda Kenya sidoo kale daneyneyso in labadan musharax uu midkood kusoo baxo doorashada, taasi oo looga hadlay kulankii ay habeen hore la yeesheen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News