26.5 C
Mogadishu
Thursday, November 20, 2025

Xog: Shir xasaasi ah oo u socdo Axmed Madoobe, Deni iyo xubno ka tirsan Madasha

Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa waxaa haatan ka socda shirar siyaasadeed oo looga hadlayo xaaladda Soomaaliya, kuwaas oo ay leeyihiin madaxda Jubbaland, Puntland iyo xubno kamid ah Madasha Samatabixinta.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa haatan shir xasaasi uu u socdaa Axmed Madoobe, Saciid Deni iyo xubnaha mucaaradka ee kala ah Ra’iisul wasaareyaashii hore ee dlaka Xasan Cali Khayre, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, kuwaas oo ka wada-hadlaya xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha soo kordhay.

Ujeedka kulankan ayaa ah wadatashi siyaasadeed, waxaana si gaar ah looga hadlayaa labada qodob oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah:

1-Xaaladda siyaasadeed ee guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha la’isku hayo ee wax ka beddelka dastuurka iyo doorashooyinka 2026.

2- Wadatashi ay dhinacayadaan ka sameynayaan safarka uu Madaxweyne Xasan Sheekh qorsheynayo inuu ku tago magaalada Kismaayo, halkaas oo ay ku ballansan yihiin isaga iyo Axmed Madoobe oo ay indhowaanahaan u socdeen wada-hadallo hoose oo gaar ah, si loo soo afjaro khilaafka dhexdooda ah.

Dhaq-dhaqaaqa ka socda Nairobi ayaa u muuqda mid dardar ku socdo, isla markaana ku wajahan kooxda Villa Somalia oo haatan dooneyso inay soo afjarto khilaafka kala dhexeeyay Kismaayo iyo Garoowe, si loo guda galo doorashooyin guud oo loo dhan yahay.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dadaallada socda ay door wayn ku leedahay dowladda Kenya oo horay u sameysay isku dayo ay ku dhex dhexaadineyso labada dhinac, iyadoo danaynaysa amniga iyo siyaasadda guud ee gobolka.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase isha lagu wada hayaa natiijada kasoo baxda kulamada socda iyo wada-hadallada ay leeyihiin DFS, Jubbaland iyo Puntland

- Advertisement -

Read more

Local News