Xog: Shirar ka billowday Hiiraan & Dabageed oo qorshe damacsan

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed uu magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan uga dhawaaqay inuu qaadacay shirka ka socda magaalada Jowhar, ayaa waxaa soo baxaaya in shirar gaar gaar ah uu magaalada Beledweyne kula furay Odayaasha mucaaradka ee sida ba’an kaga soo horjeeda shirka maamulka loogu dhisaayo labada Gobol.

Yuusuf Dabageed, ayaa kulankii ugu horeeyay la qaatay tirro Odayaal dhaqmeed ah waxa uuna u sheegay in wixii xiligaani ka danbeeya uusan garabka Jowhar u heyn wax taageero ah, waxa uuna u cadeeyay inay ku taagan yihiin wadada saxda ah.

Yuusuf Dabageed, ayaa Odayaasha uu la kulmay u sheegay in shirka ka socda magaalada Jowhar uu yahay mid looga soo horjeedo masiirka shacabka dega Gobolka Hiiraan sidaa darteedna uusan qeyb ka noqon doonin shaqsiyaadka taabacsan shirka maamulka loogu dhisaayo labada Gobolka.

Odayaasha uu kulanka hordhaca ah la qaatay ayuu ugu baaqay inay u doodaan xuquuqda shacabka Hiiraan waxa uuna sidoo kale kula dardaarmay inaysan ka laaban mowqifkooda marba haddii uu arrinku yahay sidaasi.

Yuusuf Dabageed, ayaa lagu wadaa in sidoo kale uu kulan gaar ah la qaato Odayaasha Garabka Mucaaradka ee uu hogaaminaayo Ugaas Xassan iyaga oo isla meel dhigi doona qaabka ay u wajihi lahaayen is hortaaga shirka ka socda Jowhar.

Dabageed, ayaa kamid ahaa mas’uuliyiinta sida ba’an ugu ololeyn jiray ambaqaadka shirka maamulka loogu dhisaayo labada Gobol waxaase hadda muuqata in Yuusuf Dabageed uu dib ula laabanaayo go’aankiisa taageerida shirka Jowhar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com