Obama iyo Erdogan oo isaga soo soko maray arrin xasaasi ahayd

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dib usoo hagaagaya xiriirka dowladaha Mareykanka iyo Turkiga kadib markii ay isku qabteen soo dhibitaanka wadaadka ka danbeeyay Afganbigii fashilmay ee dalka Turkiga.

Labada dowladood ayaa iminka u gudbay dhanka iskaashiga waxa ayna isla wadaan sida ay ku maja-xaabin lahaayen Kooxaha xagjirka ah ee Daacish.

Mareykanka iyo Turkiga waxa ay isla fahmeen inay burburiyaan saldhigyada ay Kooxda Daacish ku leeyihiin Raqa.

Kooxda ISIS ayaa ka dhigtay saldhigooda ugu balaaran magaalada Raqa oo ay ugu xoogga badan yihiin, waxa ayna Mareykanka iyo Turkiga iska kaashanayaan qaabka ugu haboon ee dhulka loo dhigi lahaa Saldhigyadaasi waaweyn.

Turkiga ayaa ballanqaaday inay la shaqeyneyso dowlada Mareykanka maadaama labada dal ay leeyihiin hal cadow oo ah Daacish.

Geesta kale, Erdogan ayaa sheegay in howlgalka lagu maja-xaabinaayo Daacish ay u baahan tahay wadatashi dheeraad ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com