Abdiweli Garyare oo tacsiyeeyey nabadoonada lagu dilay C/waaq

Waxaa magaalada Cabudwaaq ka dhacay weerar la xiriiro aano qabiil, kaasi oo galaaftay nolosha laba nabadoon oo caan ka ah Cabudwaaq iyo dhaawaca 9 qof oo kale, taasi oo saameyn ballaaran ku yeelatay xaalka magaaladaasi.

Haddaba, Abdiweli Ibrahim Garyare, oo hadda ku sugan magaalada Muqdisho, ka mid ah musharixiinta xildhibaanimo ee sanadkan, balse Cabudwaaq ugu socday ololihiisa doorasho ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dhacdada lagu dilay nabadoona, laguna dhaawacay nabaddoono kale iyo shacab aan waxba galabsan.

Allaha u naxariiso nabaddoona kala ah Fanax Aadan iyo Nabaddoon Maxamed Barre Diini, ehelka ay ka baxeyna samir iyo iimaan allaha ka siiyo, waxaana sidoo kale alle caafimaad uga baryeynaa dhaawaca 9 qof ah ee isugu jira rag iyo dumar, ugana horeeyo nabaddoon Muuse Geelle” ayuu yiri Musharax Abdiweli Ibrahim Garyare.

Dhinaca kale, waxaa uu shacabka iyo waxgaradka magaalada Cabudwaaq ugu baaqay inay ka hortagaan in dhib kale dhaco, isagoona soo jeediyey in waxkasta lagu raadiyo wadahadal iyo xeerkii Soomaalida laheyd, balse aan lagu dhaqaaqin wax aargoosi ah.

Dhacdadan waa kugu dhimay, oo kaa dhimay, waana fal-sheydaan ka adeegtay inay walaalo wada dhashay sidaasi isku laayaan, sidaasi darteed, waxaan ku baaqi lahaa in aan walaalo kale aysan inaga sii galaafan ee si miyir qab ah xalka lagu raadiyo” ayuu yiri Musharax xildhibaan Abdiweli Ibrahim Garyare.

Ugu danbeyntii ayuu sheegay Abdiweli Garyare in isaga iyo xubno la socda ay magaalada Cabudwaaq gaari doonaan maalinta sabtida ah ee soo socota, si ay qeyb uga noqdaan xal u helida ammaan xumada ee magaaladaasi iyo qaboojinta xiisada colaadeed ee ka jirta.

Abdiweli Garyare, ayaa horey uga mid ahaa bahda saxaafadda Soomaalida,balse waxaa uu sanadkan u weecday dhanka siyaasada, gaar ahaan baarlamaanka.