Xog: Shirkii golaha wasiirada oo buuq lagu kala tagay kadib tallaabo uu qaaday Kheyre

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog gaar ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in shirkii golaha wasiirada ee shalay uu ku dhammaaday buuq, kadib markii ay is-qabsadeen ra’iisul wasaaraha iyo qaar ka mid ah wasiiradiisa, oo ka carrooday tallaabo uu qaaday.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in buuqa uu ka dhashay guddiyo dhowr ah oo ra’iisul wasaaraha uu shirka kusoo bandhigay markii wasiirada ay dhammeeyeen ka doodista qodobadii u yaalay ee la rabay in shirka lasoo xiro.

Guddiyada ra’iisul wasaaraha uu soo bandhigay ayaa waxaa ka mid ah guddiga dhallinyarada, guddiga arrimaha gudaha, guddiga arrimaha dibedda iyo qaar kale, taasi oo wasiirada ay aad uga carroodeen, sida ilo-wareedyada ay sheegeen.

Wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha Khadiija Maxamed Diiriye ayaa ahayd wasiirkii ugu horreeyey ee ra’iisul wasaaraha si toos ah uga hor-timid shirkii shalay, ayada oo sheegtay in guddiyadan aan loo baahneyn inuu sameeyo, maadama ay jiraan wasiiro shaqadoodu tahay.

“Ra’iisul wasaare haddii aad sameysatay guddiga dhallinyarada, anna aan ahay wasiirka dhallinyarada, maxaan aniga qabanaa, maad iska kay fasaxdid” ayay Khadiijo Diiriye ku tiri wasiirka koowaad, sida ilo-wareedyada Caasimada Online ay sheegeen.

Waxaa kadib xigsaday oo isna ka hor-yimid arrintan wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Faarax Juxa, oo isna laga hoos sameeyey guddiga arrimaha gudaha, xilli markii horeba uu ka carreysnaa in ra’iisul wasaaraha uu la-taliyaha arrimaha gudaha u magacaabay Yaxye Cali Ibraahim oo wasaaradda arrimaha gudaha laga ceyriyey.

In ku dhow labaatan wasiir ayaa la sheegay in markaas kadib ay ka hor-yimaadeen guddiyada Kheyre uu magacaabay.

Wasiirada ayaa la sheegay inay dareemayaan in ra’iisul wasaraaha uu isku dayayo inuu kontoroolo shaqada wasiirada, ama uu ka dhigo kuwa magac u yaal ah oo aan waxba qabaneyn.

Shirkii golaha wasiirada ee shalay ayaa la sheegay in markii ugu horreysay ayada oo aan lasoo xirin lagu kala tagay oo uu buuq ku dhammaaday, inkasta oo markii dambe xafiiska Kheyre uu soo saaray war-saxaafadeed uu ku qeexay waxyaabihii shirka kasoo baxay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com