Xog: Sidee ayey u dhacday toogashadii maanta loo geystay gudoomiye Ku-xigeenkii hore ee gobolka Bari

Boosaaso (Caasimada Online) – Warar dheerad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa dil Magaalada Boosaaso ay maleeshiyaad hubeysan ugu geysteen Gudoomiye Ku-xigeenkii hore ee Gobolka Bari, Khadar Ismaaciil.

Dilka Gudoomiye Ku-xigeenkii hore ayaa maanta ka dhacay bartamaha Magaalada Boosaaso, gaar ahaan halka loo yaqaano Afar Irdoodka, waxaana halkaa ka baxsaday maleeshiyaad dilka geystay.

Gudoomiye Ku-xigeenkii hore ayaa la sheegay in Seddexdii maalin ee ugu danbeysay uu la kulmaayay hanjabaado aan hakat laheyn waxaana maanta xigay dilkiisa.

Dad goobjoogayaal ah ayaa ciidamada amaanka u sheegay in Gudoomiye Ku-xigeenkii hore xili dilka ay barbar joogen Seddex dhalinyaro oo midkood uu la kaftamay marxuumka waxaana xigay dilka.

Waxaa hadda socda baaritaan ay wadaan ciidamada amaanka mana jirto cid illaa iyo hadda ka hadashay tallaabada lagu dilay Khadar Ismaaciil.

Magaalada Boosaaso ayaa noqoneysa halka ugu badan ee lagu dilo mas’uuliyiinta maamulka Puntland waxaana xusid mudan in muddo laba asbuuc ka yar halkaa lagu dilay inkabadan afar mas’uul.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
Caasimada@live.com