Xog: Sidee gobolka Banaadir ku waayey xuquuqdiisii aqalka sare?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dood dheer, dagaal siyaasadeed, guddiyo la sameeyay iyo shirar is daba joog ahaa oo Madasha Qaran ay yeelatay ayaa ugu danbeyn ku soo idlaaday in Gobolka Banaadir aanu wax metelaad ah ku yeelan Aqalka Sare.

Aqalka Sare ee Baarlamaanka oo ah mid ku cusub Soomaaliya, isla markaana aqoonyahano badan ka digeen inuu caqabado siyaassadeed abuuri doono ayaa lagu saleeyay 18 Gobol, sida ku qoran Dastuurka KMG ah, laakiin waxay Madashu u bedeshay qaab maamul Goboleed jacbur ah iyadoo Somaliland loo niyeystay inay tahay maamul Goboleed.

Shirkii ugu danbeeyay ee madasha oo Muqdisho ku dhamaaday inkastoo aan war rasmi ah laga soo saarin, ayaa ah in laga gaaray heshiis maamulka Gobolka Banaadir aanu metelaad ku yeelan Aqalka hoose.

Dadaalkii ugu danbeeyay ee loogu jiray in maamulka Gobolka Banaadir xubno laga siiyo Aqalka Sare ayaa ku dhammaaday guuldarro markii lasoo jeediyay in 15 loo qoondeeyo, isla markaana loo qeybiyo beelaha Soomaalida, taasoo keentay in madaxdii maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed ee sida weyn ugu doodeysay in xubno laga siiyo Gobolka Banaadir ay ka noqdeen dalabkooda.

Gobolka Banaadir oo ah fadhiga dowladda Federaalka, Gobolka ugu dadka badan Jamhuuriyadda, isha dhaqaalaha dowladda oo dhami ku tiirsan tahay, Dhaqaalihiisa loo qeybiyo maamulada kale, dadka degan ay yihiin kuwa kaliya ee canshuurta siiya dowladda Soomaaliya waxay noqdeen kuwo aan wax metelaad ah ku lahayn Aqalka Sare ee ku cusub dalka.

Waa taariikh madow oo qorantay iyo mas’uuliyad darro ay dhabarka saarteen kuwa xilligan xilka haya haddii ay yihiin heer gobol iyo heer qaran, haba ugu darnaado madaxweyne Xasan Sheekh, waxayna caddeyn kale u tahay in Soomaalidu aanay weli ku heshiin qaab ay dowladnimadii ka burburtay dib ugu dhistaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com