Sawirro: Shariif Xasan oo xusay sanadkan Ethiopia hadal yaab lehna ka sheegay

Baydhaba (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta kmg u ah maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu qabtay munaasabad lagu xusayay isla markaana loogu dabaal degayay sanad cusub ee Itoobiya “2009” ee bila tirsiga dalkaasi.

Munaasabadaan oo ay soo qaban qaabiyeen ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), ayaa waxaa kala qeyb galay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo saraakiil ciidan.shariif-xasan-xus-itoobiya-3
Taliyaha ciidamada qeybta seddaxaad “Sector three” General Gebremeskel Gebrezigabre ayaa sheegay in ay farxad u tahay inay isku soo aadeen labada munaasabadood ee sanadka cusub Itoobiya iyo u dabaaldega munaasabada ciidul adxaa, wuxuuna bulshada Soomaaliyeed ugu u diryay hambalyo.shariif-xasan-xus-itoobiya-1Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan ayaa ciidamada Itoobiya ee ku sugan Baydhabo iyo guud ahaan gobolka wuxuu ugu hambalyeeyay curashada sanadka cusub ee bila tirsiga Itoobiya oo ku beegan 2009, wuxuuna ugu mahad noqyay inay doorteen in ay Baydhabo ku xuseen sanadkooda cusub, maadaama buu yiri ay usoo gurmadeen shacabka Soomaaliyeed. Wuxuuna ka codsaday dowladda Itoobiya in ay kusii negaadaan wadanka inta laga hubinayo amaanka iyo ciribtirka xagjiriinta.shariif-xasan-xus-itoobiya-2

Magaalooyinka kale ee laga xusay sanadka cusub ee Itoobiya ayaa waxaa ka mid ah Garoowe, xarunta maamulk goboleedka Puntland oo qunsuliyad ay ku leeyihiin Itoobiya.   shariif-xasan-xus-itoobiya-4shariif-xasan-xus-itoobiya-5shariif-xasan-xus-itoobiya-6

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com