Puntland oo aan hal arrin loo sheegin yaan xal lagu sugin Soomaaliya

Haddii aan runta la isu sheegin oo si fiican loo xisaabtamin wax natiijo oo Somaliya laga  gaarayaa ma jiraan. Somalia 2 arrimood kaliya ayaa maanta looga bixin karaa dhibka weyn ee hortaagan.

1- In Maamulka Puntland oo aad wax u walaaqaya ay ka waantoobaan waxyaabaha ay sanooyinkan danbe  caadeesteen: Tusaale waxay isu muujiyeen in Gobolada Puntland ay ka xaq badan yihiin gobolada kale ee la midka ah, Waxaa kaloo ay isbaarooyin iyo dhibaatooyin joogta ah ay ku hayaan Dowlad Federaalka oo sanooyinkan danbe haddii aan been la sheegeen horumar la taaban karo  ku tallaabsaday. Haddii aan been aan la isu sheegeen oo indhaha la istireen waxay Puntland  madaxdeeda ay caddeesteen arrimo qabiili ku saleesan taasoo ah yaa Somalia ruuxa hoggaaminaya uu u dhashay . Maadaama uusan noqon reer Puntland ruux ka soo jeeda, waxay go,aan ku wada gaareen in la dabro si aysan Dowladda meelna ugu dhaqaaqin meeshii ay joogtay sanada ka hor.

2- In dhexdooda laga baxo oo Somalida loo daayo in ay dhexdooda xal gaaraan, ama ha is dilaan oo kooxdii badisa reerka uu u haro dhib kasta oo dhaca, sababtoo ah dhibaatooyin muddo socda waxaa ka roon in bilooyin la isku baaba,o ka dibna ninkii xoog leh oo la wareego talada dalka. markaasna waxaa dhamaanaya waxyaabaha hadda socda oo qashqashaadda ah oo la micno ah baaba’ iyo hoog.

Reer Puntland madaxdooda Somaliya xal uma hayaan, gobolada kalena xuquuqdoodii iyaga kaliya ayaa afka loo gelshay taasoo looga dan lahaa in uun la dherjiyo ka dibna ay isku xishoodaan, balse arrintaas waxay keentay in ay ku cayileen- ku xoogeesteen ayna dhadhamiyeen hanti si xaaraan ah u soo gashay taasoo ay go,aansadeen in sidaas joogteeyaan.  Xitaa uu gaaray Abdi wali Gaas inuuba ismoodo in uu dalka isaga madax ka yahay, waana nin aan xishoon oo xishoodka laga xishooday uuba isaga ka sii faaideestay uusanna dan ka laheen, kaliya tiisa k.

Calaa ayi xaal reer Puntlaanoo ilaah ka baqa Soomalia qayb baad ka tihiin, isku xishooda oo madaxdiina la hadla waxna iskula hara. Goboladoo kaloo dhan yaab baa ka soo haray iyo amakaag. Xitaa madaxweynihii dalka heerka aad gaarsiiseen waad la socotaan. Waad la socotaan haddii hal konteenar xamar la geeyo oo caasimadda wax loogu qabanayo heerka aad gaarteen inaad tiraahdaan anagana waa in 2 konteenar naloo keenaa. Ceeb haddii loo dhimanayo reer Puntland madaxdooda ayaa ugu dhiman lahaa.

W/Q: Abdi Abdulle ( Runsheeg )
runta2012@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com