Xog: Sidee loo magacaabay guddoomiyaha cusub ee Bankiga Dhexe isaga oo aan tartan gelin?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shalay magacowday guddoomiyaha cusub ee Bankiga Dhexe, kaasi oo uu noqday Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi.

Hase yeeshee qaabka ay ku timid magacaabista Cabdiraxmaan ayaa dhalisay su’aalo bada oo ku saabsan hufnaanta nidaamka xulashada ee arrintan loo maray.

Arrintan ayaa timid kadib markii ay soo baxday in Cabdiraxmaan, oo ahaa la-taliyaha siyaasadda dhaqaalaha ee ra’iisul wasaare Kheyre, uu ka mid aha guddigii horey loogu xil-saaray inay wareystaan oo ay kala xulaan xubnihii jagadan soo codsaday oo isugu jiray Soomaali iyo ajaanib.

Si kastaba, ilo-wareedyo ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa Caasimada Online u sheegay in magacaabista guddoomiyaha ay sabab u ahayd in qof caddaan ah uu ku soo baxay tartanka, isala markaana ay dowladdu ka baqday falcelinta shacabka, maadaama uu arrinkan buuq farabadan ka dhaliyay baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale, xubno ka tirsan xafiiska Kheyre ayaa sheegay in nidaamka tartanka furan qofkii ku soo baxay ay u cuntami weysay mushaarka loo bandhigay oo aad uga yaraa kii uu rajeynayay, taasina ay keentay in loo weecdo Cabdiraxmaan.

“Waxaa jiray illaa dhowr qof oo kusoo baxay kaalimaha ugu horreeya ee tartanka la galay oo dhammaantood siyaabo kala duwan, sida xagga mushaharka iyo arrimo kale darteed u aqbali waayey xilkan” ayuu yiri qof la hadlay Caasimada Online.

In kasta oo uu guddoomiyaha cusub yahay rugcaddaa dhanka dhaqalaha ah, labadii sano ee la soo dhaafayna uu faraha kula jiray, haddana waxaa shaki la gelinayaa wadashaqeynta wasaaradda maaliyadda iyo Bankiga dhexe oo aysan jirin shuruuc kala xadeyneysa.

Guddoomiyaha cusub ayaa isku xire ka ahaa Tubta horumarinta dhaqaalaha oo ay ku mideysan yihiin wasaaradaha iyo hay’adaha dhaqaalaha ee dowladda Soomaaliya, waxa uuna la taliye dhanka dhaqaalaha ka ahaa xafiiska Ra’iisulwasaare Khayre.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com