Xog sirdoon: Mareykanka oo bisha soo socota weerar ku qaadaya dalka Iran

Sydney (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa qorsheyneysa inay weerar gantaallo ah ku qaado goobaha Nuclear-ka dalka Iran bisha soo socota, sida uu kashifay sarkaal ka tirsan sirdoonka dalka Australia.

Taleefishinka qaranka Australia ee ABC ayaa sheegay in Trump uu diyaar u yahay inuu bixiyo amar weerar oo ka dhan ah Iran. Taleefishinka ayaa soo xigtay ilo-sirdoon oo magacooda la qariyey.

Si kastaba markii warkan uu soo shaac baxay, ayaa ra’iisul wasaaraha Australia Malcolm Turnball waxa uu iska dayey inuu qaboojiyo, isaga oo sheegay inuu yahay warar la isla dhex-marayo oo aan hubneyn.

“Warka ABC ee laga soo xigtay sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Australia, aniga la igalama tashan, ama wasiirka arrimaha dibedda, ama wasiirka gaashaandhigga, ama taliyaha ciidmada” ayuu Turnball u sheegay ABC Radio.

Taleefishinka ABC ayaa sheegay in saldhigga ugu sarreeya sirdoonka dalkaas ee Pine Gap uu kaalin ka qaadan karo cayimidda goobaha weerarka lala beegsanayo ee dalka Iran.

Warkan ayaa imanaya ayada oo Trump uu toddobaadkii horey ugu hanjabay Iran inay la kulmi doonto cawaaqib aan dhicin taariikhda dunida haddii sida uu sheegay ay u hanjabto Mareykanka.

Caasimada Online
Xafiiska Sydney
Caasimada@live.com