Xog: Sirdoonka Imaaraatka oo maleeshiyo beeleedyo Soomaali ah hubeynaya

Xeel-dheere Siyaasadeed oo lagu magacaabo C/llaahi Faarax Mire ayaa shaaciyey inay Wafdi ka socda Hay’adda Sirdoonka Imaaraadka dhawaan booqasho ku yimaadeen Somalia,  si ay Kalsooni uga helaan qaar ka mid ah Madax Dhaqameedyadda Beelaha Soomaaliyeed.

Khabiirka  waxa uu tilmaamay inay Dowladda Imaaraadka doonayso inay xiriir cusub la yeeshaan Qabaa’illadda, si loo dhiso Maleeshiyo ay Dowladda Imaaraadka bixinayso Kharajkooda iyo Tasiilaadka kale ee ay u bahaan yihiin, wa sida uu hadalka u dhigay.

Wareysi uu siiyey Shaabakadda al-sharq.comee laga leeyahay dalka Qatar waxa uu  ku sheegay in Wafdiga ka socday Sirdoonka Imaaraadka ay isbuucii hore booqasho ku yimaadeen Somalia, oo ay kula kulmeen Odayaal Dhaqameedyo, iyagoo u geeyey Haddiyado laga dhigay Gargaar Samafal, iyadoo Odayaasha laga dalbaday inay dhisaan waxa loogu yeeray Ciiddan Badbaado oo ay Dowladda Imaaraadka siinayso taageero iyo maalgelin.

Sirdoonka Imaaraadka waxay doonayaan inay Khibradii ay ka soo kororsadeen Maleeshiyadda ay ka dhisteen gudaha dalka Yemen oo kale ka abuuraan Somalia maleeshiyo iyaga khaas uga amar-qaata.

Sirdoonka Imaaraadka waxay kaloo doonayaan inay Odayaasha Beelaha isbahaysi la noqdaan, si ay iyagana daacadnimo ugu taageeraan Danaha Imaaraadka ee gudaha Somalia.

Khabiirka qoray Warbixintan ee C/llaahi Faarax Mire waxa uu tilmaamay inaysan Dowladda Imaaraadka Carabta waxba ka soo qaadin Go’aankii Beesha Caalamka ee ugu baaqay Dowladda Imaaraadka inay xushmeyso Madax-bannaanida iyo Midnimadda dalka Somalia.

Khabiirka waxa kale oo uu sheegay inaysan Imaaraadka joojinin Dhuxusha sharci-darradda looga dhoofiyo Somalia iyo Dhismaha  Saldhigga Milliteri ee Dekedda magaalladda Berbera, inkastoo ay DFS ka mamnuucday Imaaraadka maamulista Dekeddaha ku yaalla dalak Somalia.

Warbixinta waxaa kaloo lagu muujiyey in Joogitaanka Imaaraadka ee xuduudaha Maamul-gobaleedka Puntland ay xaqiiqdii tahay sidii ay Imaaaraadka u dhisi lahayd Ciiddan Ammaan oo ay maalgeliyaan, si ay u kontoroolaan Dowladda Xeebaha Bariga Somalia.

Barlamaanka  Europe waxay dhawaan soo saareen Qaraar ku eedeeynayo Dowladda Imaaraadka inay faraha kula jiraan Deganaansho La’aanta Somalia, waxaana looga baaqay inay xushmeeyaan Madax-bannaanida iyo Midnimadda dalka Somalia.

Barlamaanka Europe waxay tilmaameen in Dhexdhexaadnimadda Somalia ee Khilaafka Khaliijka sababtay inay Dowladda Imaaaradka jarto Deeqihii ay DFS ku taageeri  jireen.

Bishii Maarso 27-dii ee sannadkan, Danjiraha Somalia u jooga Xarunta Dhexe ee QM ee magaalladda New York, Abukar Osman oo ka hadlay Kulankii Golaha Ammaanka ee QM waxa u ugu baaqay in la soo-afjaro Xadgudubka ay Dowladda Imaaraadka ku hayaan Qaranimadda iyo Midnimadda dalka Somalia.

Danjiruhu waxa uu tilmaamay in Heshiiska Imaaraadka ee Dekedda Berbera uu yahay mid wax kama jiraan ah oo aysan DFS oggolaan doonin.

Sidoo kale, DFS waxay ashtako ka dhan ah Imaaraadka u gudbiyeen Ururka Jaamacadda Carabta, iyagoo ku baaqay in la joojiyo faragelin kasta oo lagu hayo Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Khilaafka DFS iyo Imaaraadka waxa uu meel xun gaaray, kadib, Malaayiin Dollar oo ay Dowladda Imaaraadka soo dhiibtay lagu qabtay  Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho.

Muranka Lacagtaasi oo dhamayd 9.6 million oo Dollar ayaana sababtay inay labada dhinac kala boodaan, iyadoo ay Goobjoogayaashu rumeysan yihiin in Lacagtaasi la doonayey in Qalalaaso Siyaasadeed iyo mid Amni looga abuuro Somalia.

ISHA: Al-sharq.com