“XOG”: Sirta ka dambeysa waqtigii Baarlamanka uu u qabtay R/W Saacid iyo khilaaf lacageed oo jira.

Shalay ayaa baarlamanka Somalia, waxa ay qaadeen tallaabo codsi ah, balse u ekeyd amar ayaga oo madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha u mariyay warbaahinta in R/W Saacid muddo laba malamood gudahood uu ku hor yimaado baarlamanka si codka kalsoonida loogu qaado.

Haddaba qaar ka tirsan xildhibaanada oo arrintaas dhaliilsan, ayaa la hadalay Caasimada Online, waxaana ay sheegeen in tallabadaas ay tahay mid sharci darro ah, sababtuna ay tahay in ra’iisul wasaaraha uu heysto muddo bil ah, si uu codka kalsoonida loogu qaado.

Baaritaan ay sameysay Caasimada Online, ayaan ku ogaanay inay jiraan arrimo kale oo taas ka fog oo qasbay tallaabada ay qaadeen xildhibaanada.

Waxa ay tani ka dambeysay wada hadallo maalmahan socday oo xubno ma talaya ra’iisul wasaaraha ay la yeelanayaan xildhibaano kor u dhaafaya boqol iyo konton, ayaga oo kula jireen wax u eg gor gorton ah in la ansixiyo ra’iisul wasaaraha.

Xubnaha ka socday ra’iisul wasaaraha ayaa u ballan qaaday xildhibaan kasta lacag dhan laba kun oo dollar, balse taasi ay diideen inta badan xildhibaanada, marka laga reebo xubno yar oo fara ku tiris ah.

Xog aan helnay ayaa muujineysa in Xildhibaanada intooda badan ay dalbanayaan lacag u dhaxeysa 4 illaa 5 kun oo dollar, si ay codka kalsoonida u siiyaan ra’iisul wasaaraha, balse taasi uu ku gacan seeray Ra’iisul wasaare Saacid.

Sidaa darteed ayaa ayaga oo ka amba qaadaya taas, waxa ay dalbadeen in ra’iisul wasaaraha deg deg uu ku hor yimado baarlamanka, si ay halkaasi ugu ridaan.