Xog: Siyaasada Xasan Sheekh oo 2 qodob kusoo biyo shubatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa baryahaani danbe jawi jahwareer ah ku jira Madaxweynaha Somalia, Xassan Sheekh Maxamuud oo inta badan wakhtigiisa galshay sida uu mar kale ku gaari lahaa Gursiga ugu sareeya dalka.

Madaxweynaha Somalia oo garabsanaaya dalal aad uga liita Somalia, ayaa waxa uu iminka Siyaasadiisa kusoo koobay laba arrin oo mida koowaad ay tahay dhaqaale uruursi, halka mida labaadna ay ka tahay Dawarsi dal shisheeye.

Madaxweyne Xassan Sheekh oo dareen lixaad leh ka muujiyay ololaha magaalada Muqdisho uga socda Musharaxiinta kale ayaa iminka ku dhiiranaaya in albaab waliba uu ku furo dhaqaale si uu jahwareer u galsho kuwa ku caanbaxay qaadashada laalushka.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa garwaaqsan in talaabada ugu horeysa ee uu ku gaari karo kursiga ay tahay fatahaada dhaqaalaha keydka u ah.

Sidoo kale, Madaxweyne Xassan ayaa aaminsan in kursiga uusan mar kale gacanta ku dhigi karin waa haddii uusan gacan ka heysan dowladaha gumaadka ku haya Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Xassan Sheekh, ayaa iminka dhaqaalihiisa ugu badan ku bixinaaya ololihiisa isaga oo dhaqan iyo caadaba u yeeshay baryihii danbe dhaqaale u ruursi iyo dawarsi dal shisheeye.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com