Xog: Qorshihii Mareykanka ee Col. Hiiraale oo Kismaayo ka bilowday

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose, ayaa sheegaya in deegaano hoostaga maamulka ay ka socdaan diiwaan galinta ciidamo cusub oo hoostagi doona Col. Barre Hiiraale.

Ciidamadaani ayaa la sheegay in laga diiwaan galinaayo dhowr deegaan, waxaana lagu wadaa in ciidamadaasi tababaro gaar ah lagu siin doono deegaan duleedka ka ah magaalada Kismaayo.

Ciidamada laga qoraayo magaalada Kismaayo, ayaa waxaa abaabulkooda wada Saraakiil ka tirsan dowlada Mareykanka oo ku sugan magaalada Kismaayo, kuwaasi oo ciidamada ugu tallo galay inay garab u noqdaan Col. Barre Hiiraale oo garab ka heysta dowlada Mareykanka.

Ciidamada laga diiwaan galinaayo magaalada Kismaayo iyo deegaanada hoostaga ayaa waxaa loogu tallo galay in laga dhigo ciidamo ka madaxbanaan kuwa Jubbaland, iyadoo uu qorshuhu yahay in laga dhigo ciidamadaasi Alfa Group.

Ciidamada la diiwaan galinaayo ayaa tirro ahaan lagu sheegay ilaa 400, kuwaasi oo u gaar noqon doona dowlada Mareykanka iyagoo si gaar ah ula shaqeyn doona Saraakiisha Howlgalada u jooga dalka Somalia.

Jubbaland ayaa indhaha ka dadbaneysa talaabadaani lagu soo nooleynaayo awooda Col.Barre Hiiraale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com