PUNTLAND oo cadaadis saartay Siilaanyo iyo xiisad ka taagan…

Muqdish0 (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno gobolka Sool ayaa sheegaya in xiisad ay ka taagan tahay deegaano ka tirsan gobolka Sool, taasi oo ka dhalatay booqashada madaxweyne Siilaanyo uu ku tagay deegaano gobolka Sool.

Xiisada ayaa waxay ka taagan deegaano ku dhow dhow magaalada Taleex iyo degmada Laascaanood ee gobolka Sool, waxaana ka bilowday dhaqdhaqaaq ciidan oo ka dhashay safarkii Siilaanyo uu ku tagay deegaanada Sool.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland iyo ciidamada Khaatumo ee wadahadalka kasoo jeeda ay bilaabeen dhaqdhaqaaq ciidan, kadib markii laga warheley in Siilaanyo uu doonayo inuu booqdo deegaanada qaar ee gobolka ka tirsan.

Axmed Siilaanyo, madaxweynaha Somaliland ayaa ku sugan degmada Laascaano ee gobolka Sool halkaasi oo uu shalay tagay, waxaana dhaqdhaqaaqa ciidan laga dareemayaa duleedka magaaladaasi.

Xiisada iyo dhaqdhaqaaqa ayaa sidoo kale yimid markii la qorsheeyay in wafdi ka socdo Puntland ay tagaan degmada Taleex, waxaana wararka ay sheegayaan iney kusii jeedaan degmada Taleex.

Wasiirada Puntland ayaa kulan ay yeesheen ku sheegay inuu dhamaaday dulqaadkii Puntland ayna ka hortagayaan qorshaha Puntland, waxaana Somaliland ay dooneysaa in sanadka dambe dadka deegaanada Sool ka qeyb qaataan doorashooyinka dhacaya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com