Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo xog-ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu u wakiishay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre dhismaha maamulka cusub ee Jubbaland, isaga oo faray in sida ugu dhaqsaha badan loo guda galo dhismaha maamul cusub oo lagu dhabar-jabinaayo midka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.
Sida ay Caasimada heshay, qorshahan ayaa la isku raacay in lagu soo gabagabeeyo muddo 45 cisho gudahood, iyadoo madaxweynuhu soo jeediyay in musharaxa cusub ee Jubbaland, gaar ahaan gobolka Gedo, uu noqdo wasiirka amniga gudaha ahna xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.
Kooxda Villa Somalia ayaa sidoo kale rumeysan in qorshahan uu door weyn ka ciyaari doono Cabdrashiid Janan, kaas oo la isku raacay in uu buuxiyo booska uu baneynayo Fartaag ee wasiirka amniga gudaha.
Janan oo shalay kulan uu la yeeshay waxgaradka gobolka Gedo ayaa sheegay in haatan wixii ka dambeeya ay guda gali doonaan dhismaha Jubbaland cusub oo aan ku xirneyn dalal shisheeye, sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kae, wuxuu shacabka faray inay u diyaar garoobaan dhismaha maamulkaas oo uu tilmaamay inuu si toos ah ula shaqeyn doono Dawladda Federaalka Soomaaliya.
“Jubbada Hoose waxaa haysta Axmed Madoobe oo dowlad-diid ah, Jubbada-dhexe-na waxa joogta Al-Shabaab, Gedo oo xor ah ah waxaa DFS u samaynaysaa maamul ay u dhan yihiin reer Jubbaland oo ku xiran Xamar, aanna u xirnayn Nairobi iyo Addis Ababa,” ayuu yiri Janan.
Toddobaadkan gudihiisa ayaa la filayaa in wafdi isugu jira xildhibaano iyo wasiiro uu hoggaaminayo Wasiir Fartaag ay gaaraan gobolka Gedo, halkaas oo ay ka bilaabi doonaan qorshaha dhismaha Jubbaland cusub.
Arrintan oo ahayd qorshaha labaad (Plan B) ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xukuumaddiisa, ayaa la guday galay in la hirgeliyo kadib wada-hadalladii Kismaayo oo Axmed Madoobe uu diiday dalabaadka Madaxweynaha.
Haddii arrintani dhacdo, waxaa la filayaa in uu sii kaco khilaafka u dhexeeya Axmed Madoobe iyo Villa Somalia. Si kastaba ha ahaatee, waxay tani u muuqatay fursad u suurtagelinaysa Madaxweyne Xasan Sheekh inuu ka baxo cadaadiska beesha caalamka ee ku saabsanaa wada-hadallada Kismaayo, iyadoo muujinaysa in socdaalkii uu ku tegay halkaas uu horseeday tanaasul iyo guul siyaasadeed.

