Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladdaha Shisheeye waxay Soomaaliya yimaadaan iyaga oo iska dhigaya inay caawinayaan, waxayna wadaan hagardaamo ku aadan inaysan markale Soomaali soo kabsan.
Balse madaxda iyo shacabka qaarkood ayaanan fahamsaneyn danaha guud ee laga leeyahay iyaga oo dhuuniga dhaafsiisanaya qaranimada Soomaaliya, marka aad mararka qaar eegto sida ay u dhaqmayaan.
Todobaadyadii ugu dambeysay waxaa la hadal hayay canshuur kordhintii lagu sameeyay diyaaradaha qaadka ka keeni jiray dalka Kenya, kuwaasi oo imaan jiray magaalada Muqdisho.
Balse jaadkii waxaa laga dajiyay Jowhar oo 90 km ujirta magaalada Muqdisho, taasi oo muujineysa hagar daamada koowaad ee laga dhaxlay nidaamka federaalka, sababtoo ah dowladda iyo wasaarada maaliyada maba ka hadli karaan canshuurna kama qaadi karaan jaadka Jowhar ka dagaya.
Wasaarada maaliyada ayaanan canshuuri karin agab ka imaanaya dal shisheeye oo ka dagaya meel aan caasimada Soomaaliya ka fogeyn, waxaana kasii daran marka laga dajinayo magaaloyinka Cadaado, Garowe, Kismaayo iyo Baydhabo.
Caqabada labaad ee laga dhaxlay hagardaamada Federaalka ayaa ah in hawada Soomaaliya ay siyaabooyin kala duwan u sheeganayaan in maamulada qaar ay leeyihiin oo dowladda ayaanan ka hadli karin.
Puntland waxay sheegtay in hawada Buuhoodle ay iyada maamusho oo diyaarad aysan ogeyn aysan ka dagi karin, taasi ayaana dad badan layaab ku noqotay, maadaama maamulka hawada SOomaaliya wali aan lagu soo wareejin Soomaaliya.
Soomaaliya waxay haatan ku dhaceysaa godkii ay u qodeen wadamada cadowga ku ah horumarka Soomaaliya,
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]