Sawirro: Mareykanka oo baadi goob xoogan uga jira wiil uu adeer u yahay R/W hore ee Somalia

By Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online) – War qoraal oo ay Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka soo saartay bishan 13-dii ayaa lagu sheegay in Farah Mohamed Shirdon yahay Nin dadka u tashkiiliuya Ururka Daacish, waxaana lagu daray Liiska Maraykanka ee Baadi-goobka xubnaha ka tirsan Kooxaha loogu yeero Argagixisadda

Farah Mohamed Shirdon iyo Nin kale oo asalkiisa yahay Syrian, balse haysta dhalashdda Canada, laguna magacaabo Taariq Sakar ayaa lagu daray Liiska Maraykanka ee dadka ugu doonista badan ee Kooxaha Argagixisadda (The most wanted U.S. terror list).

Qoraalka kaso baxay Mareykanka waxaa lagu sheegay inay Labadaasi Nin khatar ku yihiin Ammaanka Maraykanka, Muwaadiniintooda ama Dhaqaalahooda, isla markaana ay faraha kula jiraan Abaabulka falal Argagixiso, .

Farah Mohamed Shirdoon oo degganaa Gobalka Alberta ee dalka Canada ayey Maraykanka ku eedeeyeen inuu Daacish ugu qaabilsan yahay Askaraynta iyo Dhaqaalaha,

Farah Shirdoon oo 24-jir waxay Ciiddanka Boqortooyadda Canada ee RCMP ku soo oogeen bishii September ee sannadkii 2015-kii lix kiis oo ay ka mid yihiin inuu ku biiray Koox Argagixiso, inuu dadka ku dhiiri-geliyo inay u soo safraan dalka Syria, kuna biiraan Kooxdaa Daacish

Dowladda Kanada waxay kaloo sheegtay inuu Farah Mohamed Shirdon uu u hanjabay Dadka Canadian-kawaxaana Canada uu ka ambabaxay bishii March 14-dii ee sannadkii 2014-kii, isagoo aaday dalka Syria.

Warar been noqday ayaa ahaa in isla sannadkaasi lagu dilay duqeyn ka dhacday dalka Syria, waxaase la sheegayaa inuu Farah Mohamed Shirdon ku sugan yahay magaalladda Raqa ee Xarunta Dhexeu ah Kooxda Daacish bishii November ee sannadkii 2015-kii.

Waaxda Arrimaha Dibedad Maraykanka waxay sheegeen in Farah Mohamed Shirdon had iyo jeer isticmaalo naanaysta Abu Usaama Al-somali, waxaana Faarah Maxamed Shirdoon adeer u ah ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarah Shirdoon Saacid .

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com