Xog gaar ah: Farmaajo oo maanta u baxaya safarkiisii ugu horreeyey ee gudaha dalka ah (Xaguu tagayaa?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog gaar ah oo ay goordhow heshay Caasimada Online, ayaa sheegeysa in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu maanta oo axad ah u bixi doono safarkiisii ugu horreeyey ee uu ku tago qeybo ka mid ah dalka gudihiis.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku sugan Villa Somalia ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweynaha uu booqan doono magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

Sida ay Caasimada Online ku heshay xogta, madaxweynaha ayaa magaaladaas u tagi doona arrimo la xiriira gargaarka loo fidinayo dadka ay abaaruhu saameeyeen, ayada oo Baydhaba ay ka mid tahay meelaha ay ku sugan yihiin dad tiro badan oo abaaraha ku barakacay.

Madaxweynaha ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehlin doona wasiirka arrimaha gargaarka Maryam Qaasim, guddiga gurmadka abaaraha iyo qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamanka ee laga soo doorto maamulka Koonfur Galbeed.

Safarkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee madaxweynaha uu dalka gudihiis ku bixiyo tan iyo markii la doortay, isaga oo safarro dibedda ah horey ugu tagay dalalka Sacuudiga, Kenya iyo Urdun.

Wararka la xiriira safarka la filayo in madaxweynaha uu maanta oo axad ah ku tago Baydhaba iyo sawirro, waxaan idin kugu soo gudbin doonaa wararkeena dambe, Insha Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com