28.9 C
Mogadishu
Wednesday, October 22, 2025

Xog: Suudaan oo DF uga soo dacwootay Imaaraadka oo Puntland ka wada…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyeyaasha milatari ee Sudan ayaa ku cadaadinaya dowladda federaalka Soomaaliya in ay joojiso waxa ay ku tilmaameen qulqul qarsoodi ah oo ciidan calooshood u shaqeystayaal iyo hub ah oo laga soo marsiinayo Puntland, iyadoo taageero ka helaya Imaaraadka Carabta, sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen Caasimada Online.

Codsigan waxaa si gaar ah u gudbiyey taliyaha sirdoonka Sudan Lt-Gen Ahmed Ibrahim Ali Mufaddal, oo toddobaadkan u yimid Muqdisho kulan uu la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo masuuliyiin amni oo sar-sare.

Mufaddal waxa uu watay fariin uu ka sidey hoggaamiyaha ciidanka Sudan iyo madaxa dowladda ku meel-gaarka ah, Gen Abdel Fattah al-Burhan, oo adkeeyay “baahida degdegga ah” ee iskaashi lagu baaro marinada lagu tuhunsan yahay in hubka iyo dagaalyahannada lagu keeno, gaar ahaan dekedda iyo garoonka diyaaradaha ee mashquulka badan ee Boosaaso.

Khartoum waxay ku dooday in dagaalyahanno shisheeye, oo ay ku jiraan askar u dhashay Colombia, ay ku soo qulqulayaan Puntland, kadibna uga soo gudbayaan Sudan, si ay u xoojiyaan ciidanka Rapid Support Forces (RSF), oo dagaal dhiig badan ku daatay kula jira Ciidanka Qalabka Sida ee Sudan tan iyo bishii Abriil 2023.

Imaaraadka Carabta ayaa si adag u beeniyey eedeymahan, iyagoo ku tilmaamay “warar marin habaabin ah,” halka Puntland-na ay iyaduna diiday inay wax lug ah ku leedahay arrintan.

Abu Dhabi ayaa si degdeg ah uga jawaabtay tallaabadan Sudan ee Muqdisho, iyadoo wafdi uu hoggaaminayey Wasiiru Dowlaha Shakhboot bin Nahyan u dirtay Muqdisho maalmo kadib booqashadii taliyaha sirdoonka Sudan. Masuuliyiinta Imaaraadka ayaa mar kale xaqiijiyey xiriirka siyaasadeed iyo dhaqaale ee ay la leeyihiin Soomaaliya, iyagoo muujiyey welwelka ay ka qabaan eedeymaha Khartoum.

Sidoo kale, wafdi kale oo ka socda dowladda Imaaraadka Carabta ayaa mar kale shalay socdaal ku yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, oo ay kula kulmeen madaxweynaha Soomaaliya.

Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa muddo dheer khilaaf la lahayd Imaaraadka oo xiriir dhow la leh Puntland iyo Somaliland, kuwaas oo ah maamullo iskood is-maamul ah oo marar badan ay isku dhaceen Muqdisho.

Inkastoo Puntland ay diidday eedeymaha, Sudan ayaa ku adkeysanaysa in xiriirka dhow ee gobolkaas uu la leeyahay Abu Dhabi uu ka dhigay xarun lagu kala gudbiyo hub iyo calooshood u shaqeystayaal.

Khilaafkan ayaa daba socda go’aankii Khartoum ee bishii May ay ku jartay xiriirka diblomaasiyadeed ee Imaaraadka, iyadoo ku eedeysay inay hub iyo taageero farsamo siinayso RSF. Sidoo kale, dhowaan, Sudan waxay sheegatay inay soo ridday diyaarad ay leedahay Imaaraadka oo sidday dagaalyahanno shisheeye gudaha Darfur – eedeymo ay Imaaraadku ku tilmaameen kuwo aan sal lahayn.

Dagaalka Sudan ayaa qarxay Abriil 2023 markii xiisad u dhexeysay ciidanka Burhan iyo RSF oo uu hoggaamiyo Mohamed Hamdan Dagalo, oo loo yaqaan “Hemedti,” ay isu beddeshay dagaal furan. Labadan hoggaamiye oo horey ugu mideysnaa in ay xukunka ka tuuraan madaxweynihii muddo dheer talinayey Omar al-Bashir, ayaa maanta hoggaaminaya ciidan iska soo horjeeda oo ku dagaalamaya awoodda dalka.

Colaadda ayaa dishay in ka badan 40,000 qof, iyadoo barakicisay ku dhowaad 12 milyan, sida ay sheegayaan hay’adaha gargaarka, taas oo Sudan ka dhigtay mid ka mid ah masiibooyinka bani’aadannimo ee ugu daran caalamka. Qeybo ballaaran oo ka mid ah Khartoum ayaa burburay, halka dagaalkuna uu ku faafay gobolka Darfur oo lala xiriirinayo dilal qabiil iyo xasuuqyo.

Khartoum waxay ku adkeysaneysaa in RSF uu dagaalka ku sii waddo keliya taageero shisheeye, iyadoo mar kasta ku eedeysa Imaaraadka inay siiyaan hub iyo adeegyo, eedeymo Imaaraadku ku diideen “been cad.”

Bishii la soo dhaafay, Sudan waxay sheegtay inay mar kale soo ridday diyaarad Imaaraati ah gudaha Darfur oo sidday dagaalyahanno u dhashay Colombia, halkaas oo ugu yaraan 40 qof lagu dilay. Imaaraadka ayaa mar kale ku tilmaantay sheegashadaasi mid loogu talagalay in lagu daboolo khilaafaadka gudaha Sudan.

Dalabkeeda tooska ah ee ay u jeedisay Soomaaliya, waxay Sudan ka rajaynaysaa inay ku hesho taageero goboleed iyo in la kordhiyo dabagalka lagu hayo waddooyinka sahayda ee la tuhunsan yahay ee RSF. Laakiin Muqdisho, codsigan wuxuu abuurayaa xaalad siyaasadeed oo xasaasi ah: la saftashada Sudan waxay halis gelin kartaa xiriirka kala dhexeeya Imaaraadka Carabta, oo ah maalgeliye muhiim ah iyo saaxiib dhanka amniga ah oo ay Soomaaliya leedahay.

- Advertisement -

Read more

Local News