TALIYE CUSUB oo loo magacaabayo hay’adda nabad-sugidda qaranka SOMALIA (Waa kuma?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar cusub ayaa sheegaya in lagu dhawaaqi doono Taliye cusub oo ay yeelaneyso Hay’ada Nabadsugidda Qaranka iyadoo xilka laga qaadayo taliyaha hadda xilka haya ee C/raxmaan Tuuryare oo muddooyinkan la hadal hayay in xilka laga qaadayo.

Waxaa kaloo lagu wadaa in taliyeyaal cusub loo magacaabo Booliska iyo Milateriga oo muddo la sugayay in isbedel lagu sameeyo.

Taliyaha cusub ee ciidamada Nabad sugidda Qaranka ayaa la sheegay in loo magacaabayo wasiirkii hore iyo saaxiibka madaxweynaha FAARAX SHEEKH C/QAADIR.

Wasiir Faarax wuxuu maalmihii ugu danbeeyay ku sugnaa magaalada Qaahira ee dalka Masar, waxaana la filayaa inuu dib ugu soo laabto Muqdisho. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la xaqiijiyay inuu miiska u saaran yahay magacaabidda Faarax, balse ay dhibaato ka heysato magacaabidda taliyeyaasha Booliska iyo Milateriga oo beeluhu isku heystaan.

Madaxtooyada ayaa dadaal ugu jirtay bilooyinkii ugu danbeeyay sidii loo magacaabi lahaa Taliyeyaasha ciidamada, iyadoo taliyaha booliska aan weli la buuxin, isla markaana isbedello lagu sameyn lahaa taliyeyaasha kale ee ciidamada aysan weli dhicin, sidii la filayay markii la dhisay xukuumadda cusub ee Cumar C/rashiid.

Waxaan sugnaa waa in si rasmi ah loogu dhawaaqo magacaabiddan oo noqon doonta tii ugu yaabka badneyd ee uu ku dhaqaaqo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Tallaabadan waxay keeneysaa in labadii saaxiib ee ugu weynaa madaxweynaha midkood lagu meeleeyay hay’adda xilligan ugu awoodda badan ciidamada, halka midka kale loo saadaalinayo in loo dhiibo hogaanka dowlad goboleedka Gobollada Dhexe inkastoo caqabado badan hor yaallaan.

Isha: Goobjooge