Somaliland: Wan ka laabanay ogolanshahii aan ku bixinay hawada iyo badda SOMALILAND !!!!

Hargeysa (Caasimada Online) – War kasoo baxay Somaliland ayaa u qornaa sidan:-

Somaliland werwer badan ayey ka qabtaa waxaa ka socda dalka Yeman, il dheer baanu ku haynaa, beesha caalamkana waxaan ugu baaqaynaa in lays ku dayo in xal loo helo dagaalkaas socda.

Xulafada dagaalka ku jirta ee Sucuudigu hogaaminayo ma isticmaali karaan Hawada, Bada, iyo Garoomada Somaliland ilaa ogolaasho rasmi soo waydiistaan Xukuumada Somaliland.

Inkastoo mawqifkayga siyaasadeed uu cad yahay, hadana ma isticmaali karaan anagoo aan u ogolaan, waanu uga digaynaa in ay isticmaalan, fariin cod dheerna waxaanu leenahay wixii cawaaqib xumo ka timaada arintaasi hadii ay dhacdo iyagaa ka Mas’uula. u raacimayno masuuliyadeeda Muqdisho Dawladda Somalia.

Dawlada Somalia wixii ay hayso ee ay maamusho cid haka marti soorto, wax aanay haynin ninka yiraa cid ayaan ka marti soorayaa dee maaha aragti sax ah, waxay carabtu ku maah-maahdaa ninkaan waxba hayni waxba ma bixiyo.

Garoomada Somaliland, Hawadeeda iyo Badeeda in lagaga duulo kooxaha Xuutiyiinta ee Yeman ogolaashaheeda Dawladda Muqdisho ma bixin karto.”

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka SL. Md. Maxamuud Xaashi Cabdi.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com