Xog: Tirada golaha wasiirada Soomaaliya oo la kordhinayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha cusub ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Bare oo shalay helay codka kalsoonida ee baarlamaanka Somalia ayaa bilaabay dadaalladii ugu dambeeyey ee ku aadan dhismaha xukuumaddiisa.

Xamza Cabdi Barre oo ballan qaaday inuu soo dhisayo xukuumad tayo leh oo dalka samata bixin karta yaa weli wada wada-tashiyo ku aadan magacaabista golihiisa wasiirada.

Xog ay Caasimada Online ka heshay ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaysa in ra’iisul wasaaraha cuusb uu qorsheynayo inuu kordhiyo golaha wasiirada Soomaaliya.

Wararka aan helnay ayaa sidoo kale sheegaya in Xamza uu doonayo in wasiirada uu gaarsiiyo illaa 30 xubnood, halka markii hore ay ahaayeen 26 wasiir.

Qorshaha wasiirka koowaad ee xukuumadda cusub ayaa ah inuu soo kordhiyo ugu yaraan illaa 4 wasaaradood oo mid ka mid ah ay tahay wasaaradda deegaanka.

Ra’iisul wasaaraha cusub ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu ku dhawaaqo golihiisa wasiirada, kadibna uu horgeeyo baarlamaanka Soomaaliya, si loo meel-mariyo.

Xukuumadda cusub ayaa waxaa horyaallo shaqooyin adag oo ugu horreyso wax ka qabashada ammaanka iyo xaaladaha abaareed ee haatan ka jira dalka.

Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay isbeddel siyaasadeed, kadib doorashadii 15-kii May oo uu ku soo baxay Xasan Sheekh Maxamuud oo mar labaad loo doortay hoggaanka dalka.