Xog: Tirada Wasiirada oo la kordhinayo iyo beelo aan horay u muuqan oo ka dhex muuqan doona

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa dib u dhaca ku imaaday magacaabida Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia, oo lagu waday in maanta oo Arbaca ah uu ku dhawaaqo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia.

Wararku waxa ay sheegayaan in Ra’isul wasaaraha uu dib ugu laabtay la kulanka Beelaha oo qabyo u ahaa, waxaana la sheegayaa in shaacinta Golaha ay gaari doonto ilaa dhammaadka Asbuuca soo socda.

Ilo ku dhow dhow Xafiiska Ra’isul wasaaraha ayaa sheegay in Kheyre uu kordhinaayo cadadka Golaha Wasiirada, iyadoo kordhintaasi ay sabab u tahay dib u dhaca maanta ku imaaday shaacinta Golaha.

Ra’isul wasaaraha oo markii hore qorsheynaayay inuu magacaabo 20 Wasiir iyo ku-xigeen, ayaa waxaa iminka soo baxaaya in Kheyre uu iminka gaarsiinaayo Golaha 25-Wasiir, kuwaasi oo isugu jira Siyaasiyiin xilal hore ka soo qabtay Dowladihii hore iyo Wejiyo ku cusub Masraxa Siyaasadda.

Warar kaa ka duwan ayaa sheegaya in Cadadka Golaha la gaarsiin doono ilaa 30, haddii Beelaha qaar ay kordhiyaan Cabashooyinkooda, waxaana arrintaasi sabab looga dhigayaa inay soo baxeen beelo dhowr ah oo ku qadsanaa Dowladihii hore.

Ra’isul wasaaraha Somalia Xasan Kheyre ayaa dhex maquuraaya xaalad Jahwareer waxaana laga cabsi qabaa inuu sii dheereyo xiliga magacaabida Golaha, waxaana soo baxaaya Caqabado dhowr ah.

Si kastaba ha ahaatee, Kheyre waxaa xilkaasi loo magacaabay bishii February 21-dii, iyadoo ay Xildhibaanadda ansixiyeen magacaabistaasi bishan March 1-dii.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com