Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Villa Somalia ayaa sheegaya in halkaasi uu ka bilowday barnaamij lagu daraaseynaayo dhammaan Heshiisyadii ay horay u gashay dowladii hore ee uu Hogaaminaayay Xasan Sheekh.
Barnaamijka ka socda Villa Somalia ee lagu daraaseynaayo Heshiisyada ayaa waxaa ka qeyb noqon doona Mas’uuliyiin goobjoog u ahaa Heshiisyada iyo Madaxda ugu sareysa dalka.
Ujeedka dib u daraaseynta Heshiisyada ayaa waxaa lagu sheegay in lagu xoojinaayo kuwa cusub ee dhawaan ay gali doonto Dowlada Madaxweyne Farmaajo.
Dowladii hore ee uu Hogaaminaayay Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay u gashay Heshiisyo kala ceyn ah oo u badan mid Dowladeed iyo mid Hay’adeed, kuwaa oo qaarkood dhaliyay muran iyo is qabqabsi.
Dib u daraaseynta Villa Somalia ayaa xooga lagu saari doonaa kuwa ay galeen Madaxweynihii hore, Ra’isul wasaarihii hore iyo Wasiiradii booska baneeyay.
Dowlada cusub ee uu Hogaaminaayo Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa horay u balanqaaday inay dib u habeyn ku sameyn doonto dhammaan Heshiisyada iyo Khaladaadka ka dhex jira DFS.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

