26.8 C
Mogadishu
Thursday, May 28, 2026

Xog: Villa Somalia oo ku kacday falkii ugu xumaa iyo wasiiro ka tirsan dowladda Soomaaliya oo…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online):-Madaxtooyada Somalia ayaa la sheegayaa inay gaadiidka ka uruurisay qaar kamid ah Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia.

Wararku waxa ay tibaaxayaan in gaadiidkaasi laga qaaday Wasiirada iyo ku-xigeenadooda ay u badanyihiin nooca loo yaqaan Hilux iyo kuwa isku ganbiska ah ee aan xabadu karin.

Gaadiidkaani oo kamid ahaa kuwa loogu deeqay Dowlada Somalia, ayaa waxaan hadana la garankarin sababta looga qaaday qaar kamid ah Wasiirada iyo Ku-xigeenadooda.

Qorshahaani ayaa waxaa la sheegayaa inuu wato agaasimaha Madaxtooyada Somalia, oo horaantii bishii tagtay lagu eedeeyay in ganacsato uu ka iibiyay gaadiid ay laheyd DFS.

Gaadiidka qaar ayaa la sheegayaa in lasiiyay qaar kamid ah Xubnaha ugu sareeya Xisbiga Madaxweyne Xassan, halka qaarna gaadiidkaasi laga qaaday Wasiirada iyo ku-xigeenada la xareeyay.

Docda kale, arrintaani ayaa waxa ay qeyb ka tahay Musuq-maasuqa iminka ka taagan Xarumaha Dowlada, waxaana xusid mudan in shaqsiyaadka qaar ay iyaga isku soo kooben Dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News