Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxtooyada Somalia ayaa maalmahaani ku mashquulsan is barbar dhiga xubno Siyaasiyiin ah oo doonaayo inay kamid noqdaan musharaxiinta u taagan qabashada xilka madaxtinimo ee maamulka loo dhisaayo Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.
Madaxtooyada oo hogaamineysa Xubno dhowr ah ayaa kala xulaneysa shaqsiga munaasabka ku ah in laga dhigo Madxaweynaha maamulkaasi, kadib markii uu tanaasul sameeyay Xildhibaan Faarax C/qaadir oo kamid ahaa kuwa ugu dhow in xilkaasi loo dhiibo.
Xubnaha ay Madaxtooyada kala xulaneyso ayaa la sheegayaa inuu kamid yahay Ex Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia Cali Maxamed Geedi oo isagu aan looga maarmi karin qabashada xilkaasi, kadib markii Reer Hiiraan ay qaadaceen in xilkaasi uu u tartamo shaqsi aan kasoo jeedin labada Gobol.
Madaxweyne Xassan Sheekh, ayaa xiligaani awoodiisa ugu badan isugu geeyay dhismaha maamulkaasi cusub oo noqon doona maamulka ugu danbeeya ee wax loo dhisa waxa uuna sidoo kale doonayaa in xilka madaxtinimo uu u dhiibo shaqsi ay qaraabo yihiin, sida uu Saxaafada u sheegay Xildhibaan C/laahi Goodax Barre.
Dhismaha maamulka cusub ayaa iminka maraaya meelo dhex dhexaad ah, waxaana lagu wadaa in lasoo afjaro doorashada ka hor si Madaxweyne Xassan uu halkaasi cod uga helo.
Arrimahaani oo dhan waxa ay ku soo aadeysaa, iyadoo beelaha degga Gobolka Hiiraan ay qaarkood ka biyo diidan yihiin wadada loo maray Dhismaha Maamulka la fillaayo in loo yegleelo Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]